80 Saac Oo Aad Toddobaadkii Shaqayso Iyo Habeenkii Oo Aad Shaqo Ku Saamaleysho Kuma Noqonaysid Guulayste

0
976

 

Ottawa (Geeska)- Agaasimaha fulinta ee shirkadda ‘Shopify’ ee dalka Kanada ayaa sheegay in guusha gaadhisteedu aanay ku xidhnayn saacado dheeraad ah oo aad shaqayso, iyo habeenkii oo aad shaqo ku hurdo weydo.

Tobias Lutke ayaa farriin uu bartiisa twitter ka ku faafiyey ku sheegay in shaqo midho dhal ah oo uu qofku qabtaa ay muhiim u tahay guusha, laakiin aanay saacado tiro badan oo uu shaqeeyo. “Marka laga hadlayo shaqo hal-abuur leh, waxa aan aaminahay in qof kastaa uu maalintii shan saacadood si hal abuur iyo midho dhal ah u shaqayn karo”

Agaasime Tobias Lutke oo ka qaybqaadanayey dood muddooyinkan si joogto twitter uga dhex socota oo lagaga hadlayo in shaqada la qabto xitaa habeenkii iyo maalmaha fasaxa toddobaadku ay wax ku kordhinayso shaqo badnaanta lagama maarmaanka u ah guusha uu qofku hiigsanayo.

Mid ka mid ah agaasimeyaasha dooddan aragtidooda ka dhiibtay ayaa isagu taageeray, in saacado dheeraad ah la shaqeeyo, “Inta badan ee dadkii adduunkan wax ka beddelay, waxa ay ahaayeen dad shaqada ku mamay” ayaa uu qoray agaasimahaasi. Laakiin agaasime Lutke isaga aragtidiisu taas waa a yka duwan tahay, sida ka muuqata farriin uu dooddaas kaga qaybqaatay oo ahayd, “Mararka keliya ee aan shaqadayda toddobaadkii ka badiyo 40 saac (waxa ay u dhigantaa toddobaadkii shan maalmood oo maalin kastaa ay 8 saac tahay), waa marka aan arko in aan xiise xad dhaaf ah u hayo shaqada.  Waxa aan u baahanay siddeed saacadood oo hurdo ah, qof kastaana waa ila mid, haddii uu qirsanyahay iyo haddii aanu qirsanaynba”

Lutke waxa uu sheegay in maalin kasta uu siddeed saac oo keliya shaqeeyo, kaddibna aanu guriga shaqo dheeraad ah ku qaban, marka laga reebo marar dhif ah. “Maalinkasta 5:30 galanimo waxa aan tagaa gurigayga”

Lutke ma’aha bilyaneerka keliya ee ku dooda in ay muhiim tahay in qofku uu habeenkii seexdo saacado hurdo ku filan.

Aasaasaha shirkadda Amazon ayaa isaguna si aad ah u taageersan in qofku aanu hurdada habeenkii ku waayin shaqada. Jeff Bezos ayaa mar uu sannadkii 2016 kii u warramay shabakadda Thrive Global waxa uu shegay habeenkii oo uu helo siddeed saacadood oo hurdo ahi in ay muhiimad weyn u leedahay, “waxa aan ku dadaalaa in aan muhiimadda koowaad siiyo sidii aan habeenkii 8 saacadood oo hurdo ah u heli lahaa” ayaa uu yidhi.

Sida lagu sheegay warbixin sannadeedka maalqabeenka adduunka ee majaladda Forbes, Loias Lutke waxa uu haystaa hanti dhan 3.6 bilyan oo doolar, waxa aanu maamulaa shirkaddiisa oo qiimaha ay suuqa ka joogtaa yahay 48 bilyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here