4 Nooc Oo Ka Mid Ah Khudradaha La Dagaalama Xaydha Fuusha Caloosha Iyo Talo Muhiim U Ah Dadka Jimicsada

0
943

 

Jimciyadda nafaqaynta ee dalka Jarmalka ayaa shaacisay noocyo ka mid ah khudradda midhaha ah oo ay ku jiraan curiyeyaal nafaqo oo muhiim u ah burburinta dufanka ku urura caloosha iyo dhinacyada.

Khudradahaas oo dhowaan lagu xusay warbixin ay shabakadda Aljazeera arrintan ka diyaarisay ayaa ah:

  1. Afakaadho:

Xeeldheereyaasha faa’iidooyinka caafimaad ee cuntadu waxa ay sheegeen in afakaadhadu ay ka mid tahay ilaha ugu fiican ee laga helo maaddooyinka nafaqo ee caawiya in ay gubato xaydha ku ururta caloosha iyo tartarrada.

Sababta ayaa ay xeeldheereyaasha Jarmalku la xidhiidhiyeen gankta badan ee ay khudraddani leedahay, iyo curiyeyaal ku jira afagaadhada oo ay sheegeen in uu caawiyo ka hortagga nabarrada iyo bukaanka iyo dhimista kalasataroolka, isla markaana ay qayb muhiim ah ka qaadato xoojinta caafimaadka guud ee jidhka.

  1. Rummaanka

Rummaanka waxaa ku jira maaddooyin badan oo liddi ku ah mariidka oo ah sunta cuntada aynu cunayno ka samaysanta. In markiidka uu jidhka ku yaraadaa waxa ay xoojisaa shaqada dheefsiga ee jidhka, waxa aanay caawisaa gubista xaydha ku ururta caloosha, oo sababta calool weynaanta.

  1. Tufaaxa

Tufaaxu waxa uu ka kooban yahay gan si fudud u milmi kara, sida oo kalana waxaa uu ka mid yahay cuntooyinka leh maadadda ‘Pectin’ sidaa awgeed waxa uu caawiyaa ka hortagga in dufanku ku ururo jidhka, taas oo ah hab fiican oo ka hortag u noqonaya samaysanka xaydha.

  1. Liin Macaanta

Liin macaantu waxa ay hodan ku tahay Faytamiin ‘C’ oo si dadban raad ugu yeesha ridista miisaanka. Faytamiinkani waxa uu ka masuul yahay soo saarista walxo xoojinaya shaqada uu jidhku kaga faa’iidaysanayo cuntada uu helo ee dheefsiga loo yaqaanno, taasina waxa ay gubaysaa dufan badan oo jidhka ku ururi lahaa.

Waxa ay khubaradu sheegayaan in faytamiin ‘C’ ga dabiiciga ah ee liinta ku jiraa uu si weyn u caawiyaa in jimicsigu uu gubo dufan ka badan inta uu gubi karo marka aan liinta la cabbin. Sidaa awgeed waxa ay ku taliyaan in dadka jimicsiga sameeyaa ay jimicska ka hor helaan xaddi badan oo Faytamiin ‘C’ ah.

Xaydha caloosha weynaysa ayaa ay dhakhaatiirtu aaminsan yihiin in ay raad taban oo caafimaad qofka ku keento, isla markaana ay kor u qaaddo khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada ay ka mid yihiin macaanka, wadne xanuunka iyo habdhiska dheefsiga cuntada oo sida ugu habboon u shaqayn waayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here