“Madaxweynuhu Inuu Si Daacadnimo Ku Jirto Uga Mar Walba Uga Soo Baxo Masuuliyad Ka Saaran Umadda, Iyo Inuu Xogogaal U Noqdo Xaalada Dalka Ayaa Ku Waajib Ah”

0
639

 

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa soo jeediyey in la xaliyo oo laga sii hawl-galo wax kasta oo keeni kara in Doorashooyinku mar dambe dib u dhacaan,waxaanu xusay in loo baahan yahay.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha iyo Xukuumadiisaba, waxaanu ugu horeyn yidhi “Masuuliyadu waa shay qaaliya, oo culus qof walba waxaa laga rabaa inuu ka soo baxo masuuliyad saaran, maalin aan maanta ahayn qof walba waa la weydiinaya masuuliyada saaran iyo sida uga soo baxay, sidaas darteed Madaxweynuhu inuu si daacadnimo ku jirto  mar walba uga soo baxo masuuliyada ka saaran umadda, iyo inuu xogogaal u noqdo xaalada dalka ayaa ku waajib ah, inuu si cadaalada ah uga xaqsooro xilka uu umadda u hayo iyo inuu dadkiisa iyo dalkiisaba daacad u ahaado ayaa ku waajib ah mar walba”.

Mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka ayaa yidhi “SI aynu uga gudubno dib u dhac doorasho oo mar kale inagu yimaada, waa in la sii dhammeeyaa wax kasta oo dib u dhac dambe ku keenaya Doorashada, maalmihii la is haystay runtii aad baa loo baqay, oo dadku wadnaha ayey farta ku hayeen, laakiin Guddidii iyadu ka hawl-gashay inay soo gabagabayso wixii la isku hayey ayaan u mahadnaqayaa, waxaan kale oo aan u mahadnayaa in Madaxweynaha iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka oo iyaguna ogolaaday wixii Guddidu soo saartay, in iyadoo Beesha Caalamku inoo soo gurmatay iyadoo arkaysa waxaynu isku hayno, haddana markii ay inoo soo gurmatay ay ogaaday inaynu xalinay waa arn inoo fiican, laakiin haddii aynaan xalinayn wixii aynu isku haynay waxaa hubaal noqon lahayd in qimaha aynu Caalamka ku leenahay uu hoos u dhici lahaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here