74 Sano Kaddib Dhimashadiisii, Weli Taariikhyahannadu Waa Ay Ku Dhakafaarsan Yihiin Xogtii Adolph Hitler

0
1043

Inksata oo dhimashadiisii laga joogo 74 sano, haddana weli taariikhyahanno badan ayaa su’aalo aanay jawaab u haynin iska weydiiya noloshiisii shakhsiga ahayd ee Adolph Hitler. Waxaa ka mid ah in aan weli la aqoonin in uu ubad dhalay iyo in kale, iyo haddii uu ubad dhalay halka ay ku dambeeyeen. Ama waxa ka jira wararka marar kala duwan soo baxa ee sheegaya in dad uu dhalay ama ku abtirsadaa ay weli adduunka ku noolyihiin.

Raymond Grigiov oo ah qoraa u dhashay Ruushka oo arrimaha taariikhda baadha ayaa dhowaan qoray maqaal uu ku sheegay in Hitler uu lahaa wiil sharci darro ugu dhashay. Waxa aanu soo xigtay gabadh lagu magacaabo Charlotte Loboggo oo sheeganaysa in wiilkeeda John Marie Laurette uu yahay ilmaha keliya ee uu Hitler fika kaga tegey.

Gabadhani waxa ay sheegtay markii 16 sano jirka ahayd in uu xidhiidh dhex maray Hitler, oo markaas ahaa askari darajadiisu hoosayso. Xidhiidhkaas oo uu 1918 kii ka dhashay wiilkeedu.

Qoraagu waxa uu sheegay in markii wiilka ay gabadhani weynaaday, ee ay u sheegtay in aabihii Hitler yahay, in uu rumaysan waayey. Taas oo sababtay in markii uu weynaaday uu halgan dheer u galo in uu xaqiijiyo cidda uu dhab ahaan yahay.

Ugu dambayntii ninkani waxa uu ku qancay dooddii hooyadii ee ahayd in aabihii Hitler yahay, kaddib markii sida uu qoraagu sheegay ay is waafaqeen nooca dhiiggiisa iyo dhiiggii Hitler, sheekooyinka Hitler laga qoray iyo sheekada ay hooyadii u sheegtay, iyo sida oo kale warka ay hooyadii u sheegtay iyo warka ku qoran qoraallo uu Hitler ka tegey. Waxa kale oo uu John Marie Laurette garawsaday isu ekaanshiyaha xoogga ah ee u dhexeeya isaga iyo sawirrada Hitler laga hayo.

Qoraagu intii uu maqaalka waday waxa uu arkay qoraal ay beri dambe heleen ciidamada Jarmalku oo sheegaya in saraakiil ka tirsan ciidamada jarmalku ay markii uu dagaalku socday lacag siiyeen gabadh lagu magacaabo Charlotte, taas oo ah caddayn kale oo laga dheehan karo in Hitler uu gabadhan xidhiidh la lahaa.

Buug xusuus-qor oo ninka la sheegay in Hitler aabihii yahay ee John Marie Laurette uu qoray sannadkii 1981 kii, waxa uu u bixiyey, “Aabahaa magaciisu waa Hitler” waxa uu ku sheegay in Hitler uu ogaa in uu wiil dhalay, laakiin uu dadaal adag u galay in uu tirtiro raad kasta oo muujinaya in uu ilmo dhalay.

Qoraaga maqaalku waxa uu sheegay in Hitler uu munaasabado kala duwan ka sheegay jacaylka uu carruurta u qabo, laakiin aan weli la arag wax raad ah oo caddayn kara in uu ubad dhalay. Sida oo kale gabadh Hitler u shaqayn jirtay ayaa sheegtay in ay marar kala duwan ka maqashay isaga oo qiranaya in uu wiil dhlay. Laakiin, waxaa xusid mudan Hitler buugga uu iska qoray uu ku sheegay in aanu doonayn in uu ubad dhalo.

Waxaa iyaduna mucjiso ah in taranta qoyska Hitler ay ku joogtay isaga iyo walaalihiisii la dhashay. Maadaama oo isaga iyo walaalihii dhammaantood aanay ubad dhalin, ama xitaa xiisayn in ay qoysas yeeshaan. waxaana jira warar sheega in qoysku uu si cad ugu heshiiyeyba in ay tarantooda halkaa ku joojiyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here