“Nabadgalyada Aynu Ku Faano Waxaad Moodaa Inay Mugdi Sii Galayso”

0
614

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay xaalada nabadgalyo ee dalka.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiska labada beelood ee Ceel-afweyn , waxaanu ugu yidhi “Nabadgalyada aynu ku faano waxaad mooda inay mugdi sii galayso, ee xil gudasho la’aanta ha laga dheerado, in nabada la adkeeyo, oo xoog la iska saaro ilaalinteeda ayaa loo baahan yahay, laakiin inay dadku baqaan oo wadnaha farta saaran looma baahna, waxaa kale oo loo baahan yahay in laga dheerado wax kasta oo nabadgalyada khatar ku ah, Xukuumadduna xil dheeraad ha iska saarto sugida nabadgalyada guud ee dalka”.

Mar uu ka hadlaayey labada Beelood ee Ceel-afweyn ayaa yidhi “Beelaha Ceel-afweyn wada dega waxaan leeyahay heshiiskiina waanu ku faraxaynaa, oo is dhex galkiina waanu ku faraxnaynaa, colaadiina iyo cadaawadiinana waanu ka naxaynaa, ee isla ilaaliya in dagaal dambe dhexdiina ka dhaco”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here