Xukuumadda Oo Digniin Ka Soo Saartay Faro-Gelin Ay Sheegtay In Soomaaliya Ku Khalkhal Gelinayso Xasilloonideeda

0
763

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Somaliland ayaa Digniin ka soo saartay Mashaariic ay sheegtay in lagu khalkhal gelinayo Xasilloonida Somaliland, kuwaasi oo Dawladda Federaalka Soomaaliya doonayo inuu ka fuliyo deegaano ka mid ah Somaliland.

Dhukumantiyo lagu baahiyey Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho, ayaa muujinaya in illaa 7 degmo oo ka mid ah Somaliland la doonayo in laga fuliyo Mashaariic qayb ka ah Mashruuca Baxnaano oo Toddobaadkii hore Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu Muqdisho ku daah-furay.

Degmooyinka dhukumantiga la baahiyey ka muuqda ayaa waxa ka mid ah, Badhan, Lughaya, Saylac, Taleex, Xudun, Gabiley iyo Caynabo.

Laakiin, War-saxaafadeed Arrintaa daba socda oo Shalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa waxa farriin loogu diray Baanka Adduunka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika, waxaana lagu sheegay in Mashruuca Baxnaano ee Soomaaliya doonayso inay ka fuliso qayb ka mid ah Somaliland uu khatar ku yahay amniga Somaliland.

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku wargelinaysaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Baanka Adduunka in Barnaamijka Maamulka Muqdisho ula baxay Baxnaano, kuna sheegay inuu qayb ka mid ah uu ka fulin doono deegaano ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, isla-markaana uu yahay Barnaamij lagu marin-habaabinayo Bulshada Caalamka.

Dawladda Somaliland waxay uga digaysaa Maamulka Muqdisho isku dayga taagta daran ee uu ku rabo inuu ku faro-geliyo Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna cod dheer ugu sheegaysaa inuu Maamulkaasi ka waantoobo sheegashada Caalwaaga ah ee Xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawladda Somaliland waxay si gaar ah uga codsanaynaa Baanka Adduunka inuu ka fiirsado deeqaha la siiyo Maamulka aan Masuulka ahayn ee ka dhisan Soomaaliya, kaasi oo caadaystay inuu u adeegsado deeqaha iyo Caawimooyinka aadame ee Adduunka ujeeddooyin gaar ah iyo kuwo siyaasadeed oo lagu khalkhal gelinayo amniga iyo Xasilloonida Somaliland.

Ugu dambayn, Dawladda Somaliland waxay si adag uga digaysaa Cid kasta oo isku dayda inay qayb ka noqoto isku-dayga fulinta Mashaariicda ka hor imanaya Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland..”