6 Sababood Oo Qofka U Nugleeya Dhaxanta: Qabow Aad Joogto U Dareentaa, Waa Calaamad Caafimaad Darro (2)

0
2015

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah sababahaas caafimaadka la xidhiidha ee ay dhakhaatiirtu sheegayaan in ay keeni karaan in qofku si joogto ah u dhaxamoodo.

4. Hurdo yaraanta:

Hurdo yaraantu waxa ay keentaa dhibaatooyin caafimaad oo tiro badan, waxaa ka mid ah hab-dhiska neerfaha oo ay xaalado caafimaad darro ku keento iyo maskaxda oo ay ka khalkhaliso shaqadeedii ahayd in ay isu dheelli tirto nidaaminta heerkulka jidhka.

Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Jyvaskyla ee dalka Finland ayaa ay khubaradu ku baadheen raadka taban hurdo la’aantu ku keeni karto caafimaadka qofka, waxa aanay tijaabo u qaateen Labaatan dhalinyaro ah oo ay muddo lixdan saacadood ah hurdo u diideen, taas oo lagu ogaaday natiijadan ah in heerkulka jidhka dhalinyaradani uu si aad ah hoos ugu dhacay hurdo la’aanta awgeed. Haddaba waxaa ka muuqanaysa in qofka hurdadu ku yar tahay uu si gaar ah ugu nugul yahay dhaxanta.

5. Xadiidka oo ku yar dhiigga: Xadiidku waa curiyo muhiim u ah dhiigga aadama, haddii uu xadkiisa hoos uga dhacana qofku waxa uu halis u yahay dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan. Xadiidku waxa uu unugyada dhiigga cas ka caawiyaa in ay hawlahooda si habsami ah oo tayo leh u qabsadaan, marka ay unugyada dhiigga casi si sax ah hawshooda u qabsadaanna waxaa ka dhasha in neefta Ogsajiintu ay si sax ah u wada gaadho dhammaan qaybaha jidhka. Dhinaca kalana haddii xadiidku hoos u dhaco, waxaa ka dhalanaysa in unugyada dhiigga casi si sax ah u shaqayn waayaan, waxaanay keenaysaa in neefta ogsejiin jidhka wada gaadhi weydo, sidaa awgeed qofka xadiidku ku yar yahay waxa uu u nuglaadaa qabowga, gaar ahaan waxa uu dhaxan daran ka dareemaa xubnaha wadnaha ka fog oo ah gacmaha iyo lugaha hoose.

6. Miisaanka oo inta caadiga ah hoos uga dhaca:

Miisaanka qofka oo ka yaraada inta dabiici ahaan saxda ku ah dhererka iyo caafimaadka qofka ayaa keena dhaxan joogto ah, sababtuna waa in jidhku uu waayayo xaddi ku filan oo ah dufan oo ka ilaaliya qabowga. Sidoo kale miisaanka oo si aad ah hoos ugu dhacaa waxa uu saamayn taban ku yeeshaa habsami u shaqaynta dheefshiidka, kaas oo isna dhankiisa saamayn ku yeesha heer kulka jidhka.

Cilmibaadhis uu Geeska Afrika ka soo xigtay Aljazeera ayaa sheegaysa in xeeldheerayaasha caafimaadku ay muhiim u arkaan in qofku ka taxaddaro in dufanku uu jidhkiisa ku ururo iyo sidoo kale in ay muhiim tahay in aanu miisaanku si xad dhaaf ah hoos ugu dhicin si aanu dufanku uga dhammaan jidhka, waxa aanay hoosta ka xariiqeen in miisaanka dabiiciga ahi uu jidhka ka caawiyo in uu isu dheelli tirmo heer-kulkiisu.

Ugu dambayntii waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in qofka dareema in qaabka uu dhaxanta u dareemayaa ka badan yahay sida caadiga ah ay muhiim tahay in uu dhakhtar u tago si uu arrintaas u ogaado isagana hubiyo in ay jiraan sababo caafimaad darro oo ugu wacan u adkaysi la’aanta dhaxanta. Dhammaad.