Masar: Hay’adda Samofalka Ee Ikhwaanka Oo La Xidhayo

0
4312

Telefishanka dalka Masar ee hoostaga militariga ayaa baahiyay in la xidhayo hay’ada samafalka ee Ikhwaan muslimiinka, waxaana la filayaa go’aankan inay dowlada Masar si rasmi ah ugu dhawaaqdo toddobaadkan.

Hase yeehsee waxaana weli la sheegin in la xidhi doono xisbiga Xoriyada iyo Cadaalada ee ah garabka Siyaasada ee Ikhwaan Muslimiinka. Militariga ayaa hore u xidhay xafiiskii ay ku shaqeyn jireen golaha sare ee Ikhwaan muslimiinka, iyadoo ay xidhan yihiin intii badneyd hogaamiyayaasha ikhwaan muslimiinka.

Xidhitaanka hay’ada Samafalka ee Ikhwaan muslimiinka ayaa hadii ay hirgasho keeni doonta in la xidho bangiyada Ikhwaanka u yaal dhaqaalahooda iyo waliba xafiisyada kala gedisan oo ay ku leeyihiin dalka Masar. Hay’ada Samafalka Ikhwaanka ayaa ah mid awood weyn ku dhexleh shacabka reer Masar.