400 Oo Sano Kaddib Ayuu Kongareeska Maraykanku Ka Doodayaa In Magdhow La Siiyo Tafiirtii Addoonta

0
297

Washington (Geeska)- Golaha Kongareeska Maraykanka ayaa arbacadii toddobaadkii hore yeeshay fari uu kaga doodaya suurtagalnimada in magdhow la siiyo dadka maraykanka madow ah ee isirkoodu ka soo jeedo adoontii Afrika laga soo iibsan jiray. Mawduucan oo dalka Maraykanka xasaasiyad aad ah ka leh, gaar ahaan xilligan oo xiisadaha iyo dhibaatooyinka dhinaca isirka ahi ku soo badanayaan dalkaas.

Xildhibaannada qaarkood ayaa dalbanaya in la dhiso guddi baarlamaan oo daraaseeya addoonsigii iyo takoorkii ay la kulmeen ubadka ay ka tageen addoontaasi. Gaar ahaan kuwii ku hoos noolaa xeerarkii ‘Jim Crow Laws’ oo sababay takoor fool xun oo dhacay dabayaaqadii qarnigii 19-naad iyo horraantii qarnigii labaatanaad.

Warkan oo lagu faafiyey shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa lagu sheegay in, laga soo bilaabo sannadkii 1989 kii dhowr jeer ayaa xeerkan qaybo-qoraalka ah ee magdhowga ubadkii addoonta la hor keenay golaha Kongareeska, laakiin mar kasta waxa uu ku guuldarraysanayey in uu buuxin kari waayayey shuruudihii uu codayn ku geli kari lahaa.

Laakiin arrinta xusuusta gaarka ah mudani waa in sannadkan uu xeerkani ku soo beegmay sannad guuradii 400 ee ka soo wareegtay markii addoontii ugu horreysay ee Afrikaanka ahayd soo gaadhay dhulka Maraykanka. Guddiga garsoorka ee golaha wakiillada Maraykankuna waxa ay qabteen fadhi dhegeysi ah oo la xidhiidha maalinta ku caan baxday maalintii ‘Juneteenth’ oo lagu xasuusto 19-kii June 1865 markii addoonkii ugu dambeeyey dalka Maraykanka lagu xoreeyey gobalka Taxas.

Xildhibaanka sharcigan baarlamaanka u soo gudbiyey oo ah haweenay madow ah oo lagu magacaabo Sheila Jackson ayaa sheegtay in dadka madowga ah oo maanta tiradoodu boqolkiiba 13.4 ka tahay wadarta guud ee dadka Maraykanku ay xaq u leeyihiin in ay wax ka helaan khayraadka sababaha helitaankeeda ay qayb ka ahaayeen awoowyadoodii la addoonsanayey.

Qoraaga Maraykanka madow ah ee Coleman Hughes oo ka hadlay aragtida dadka aaminsan in dadka madowga ahi ay u baahan yihiin in laga raalli geliyo awoowyadoodii la addoonsaday, ayaa isagu sheegay in aanu madowga Maraykanku raalli gelin kale u baahnayn. Balse ay u baahan yihiin in ay helaan xuquuq muwaadiniinta la siman oo ah in la dejiyo xaafado ka ammaan badan kuwa ay hadda yaallaan, ubadkooduna helaan dugsiyo waxbarasho oo ka fiican kuwa hadda ku yaalla degmooyinkooda. Waxa uu sheegay in madowgu u baahan yahay nidaam garsoor oo ka naxariis badan ka hadda xukunnadak u qaada muwaadiniinta madowga ah, iyo daryeel caafimaad oo qiimahooda ay dadka madowga ahi bixin karaan. Waxa uu sheegay in magdhow keliya oo qof qof loo bixiyaa aanu arrimahaas waxba ka tarayn.

Shabakadda Federal Safety net ee Maraykanka oo sannadkii 2017 ka sahamin ku samaysa heerka saboolnimada iyo ladnaata ayaa sheegtay in dadka Maraykanka ee asalkoodu uu Afrikaanka yahay ay boqolkiiba 21.2 sabool yihiin, halka dadka caddaanka ah ee saboolka ahi ay boqolkiiba 8.7 ka yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.