“UCID Iyo Kulmiye Waxaan Leeyahay Xisbiga Waddani Doorasho Xalaala Oo Sharciya Ayuu Diyaar U Yahay”

0
703

Baashe Cali Jaamac

Hargeysa (Geeska)-Baashe Cali Jaamac, oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirka Wasaaradda Biyaha, haddana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, khilaafka Xisbiyada, Doorashada, iyo wada hadalada Somaliya.

Wasiirkii hore Biyaha Baashe Cali Jaamac oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya khilaafka XIsbiyada yidhi “Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, waa laba Xisbi, Doorashana labadoodu ma gali karaan, Xisbiga Waddani-na kuma qasbi karaan Doorashada, Doorashada Golaha Wakiiladu waxay ku qabsoomaysaa iyadoo marka hore la kala diro Komishanka hadda jooga, maxaa yeelay komishankan waa laga kalsooni baxay, Doorasho dambe oo ay inoo qaban karaana ma jirto, UCID iyo Kulmiyena waxaan leeyahay Xisbiga Waddani Doorasho xalaal oo sharciya ayuu diyaar u yahay, Guurtidu dhawr iyo labaatan sanno ayey joogaan, Wakiiladuna dhawr iyo toban sanno ayey joogaan, markaas dhaxal umay helin,waa in la xaliya khilaafka ka taagan Doorashada, waxaana tanaasulka looga baahan yahay Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, madaama Xisbiga Waddani uu sharciga ku taagan yahay, ta kale waa in Dastuurka la furaa, waa in saami –qaybsigii la sameeya, waa in cadalaada iyo sinaanta la ilaaliya, ”.

Baashe Cali Jaamac, ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliya wuxuu yidhi”Mar haddii uu yimaado wada hadal Somaliland iyo Somaliya, waa in go’aan ay umadda Somaliland ku midaysan tahay oo raali laga wada yahay lagula hadlaa, qodobada ay Somaliland la tagayso Somaliya waa inay ahaadan qodobo Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan raali ka wada yihiin”.

Dhanka kale Baashe Cali Jaamac, wuxuu Xukuumadda ugu baaqay in aanay ku xad gudbin madax banaanida saxaafadda iyo xoriyatul qawalka, waxaa kale oo uu ku taliyey in Badhasaabada Gobolada Sool iyo Sanaag la siiyo Xisbiga Waddani oo uu sheegay inuu labadaas Gobol cododka ugu badan uu ka helay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here