Maxaa Sababay In Carruurtu Marka Ay Waalidkood Arkaan Kibir Iyo Habdhaqan Aan Fiicnayn La Yimaaddaan

0
810

Madrid (Geeska)- Carruuraha qaarkood ayaa marka ay hooyadood la joogaan laga dareemaa in ay u dhaqmayaan qaab aan habboonayn, iyada oo caadi ahaan la ogyahay in xidhiidhka uu ilmuhu hooyada la leeyahay uu ka xididdo fogyahay ka uu aabaha la leeyahay, sababta koowaadna ay tahay xidhiidhkooda oo illaa yaraantoodii soo taxnaa. War ay shabakadda Aljazeera ka soo xigatay majalad dalka Spain ka soo baxda oo lagu magacaabo Michor Kun Salud ayaa lagu sheegay in jinsiga labada waalid uu saamayn kala duwan ku leeyahay ubadka iyo sida oo kale hab-dhaqankooda. Arrintaasina ay sabab u tahay in carruurta qaar marka ay hooyadood la joogaan hab-dhaqan gaar ah lagu arko.

Sida uu cilminafsigu xaqiijiyey ilmuhu hooyadii ayaa uu qalbi ahaan aad ugu xidhan yahay, sababta ugu badanina waa agjooggeeda iyo la macaamilkeeda oo si gaar ah ugu badan. Ilmuhuna abuur ahaan ayaa uu ugu jiraa dareen faraya in uu mar kasta ka agdhowaado cidda uu dareensan yahay in uu daryeel iyo ilaalo dheeraad ah ku qabo, taas oo ah hooyada.

Arrimahaas ayaa keena in ilmuhu marka uu hooyadii ka agdhowyhay sameeyo ficillo iyo hab-dhaqanno aanay dadka kale jeclaysanayn, laakiin isagu uu doonayo in uu ku soo jeediyo dareenka hooyadii oo uu markaas tebayo in uu si uun uga sii jeedo ama wax kale kaga mashquulsantahay.

Ilmuhu aabaha waxa uu u arkaa astaanta kalsoonida, sababta ugu badan ee uu ilmuhu aabihii u raadiyaana waa in uu dareemo ammaan iyo cabsi la’aan iyo in uu helo cid uu la ciyaaro. Arrintaas ayaana sabab u ah in aanu ilmuhu isku mashquulin soo jeedinta dareenka iyo daryeelka aabihii, waayo, ma’ laha muhiimaddii ay hooyadu u lahayd isaga.

Daraasaddu waxa ay sheegtay in haddii hooyadu ay dabeecad ahaan tahay qof kakan in ay u dhowdahay in ilmuhu uu dhibaatooyin habdhaqan xumo ah ku kaco marka uu dugsiga tago. Sidaa awgeed waxaa fiican in hooyadu ay togan u dhaqanto marka ay ubadkeeda ag joogto.

Si kastaba ha ahaato ee labada waalid waa in ilmahoodu inta uu yar yahay ay ku barbaariyaan habdhaqanka tolmoon, baraanna hababka uu si togan ugu xakamayn karo caadifaddiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here