Somaliland Oo Soomaaliya Ku Eedaysay Inay Si Gaar Ah U Qaadato Dhaqaalaha Ka soo Baxa Diyaaradaha Adeegsada Hawadeeda

0
552

Madaarka Berbera oo loo adeegsanayo Laba Ujeeddo oo Kala duwan

Hargeysa (Geeska) – Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Maamulka Madaarrada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), ayaa ka hadlay Maamulka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya oo labada dhinac Sharci ahaan ku muransan yihiin.

Maareeye Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) oo Shalay hor-tagay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa sheegay inaan Soomaaliya awood u lahayn inay Somaliland ka joojiso diyaaradaha duulimaadyada ku yimaadda, balse Dawladda Soomaaliya si gaar ah u maamulato dhaqaalaha ka soo baxa diyaaradaha isticmaala Hawada dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dabcan Somaliland-na ku jirto.

Maareeyaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Hawada waxa laga maamulaa Taawar, iyaguna (Soomaaliya) Taawar bay haystaan, annaguna (Somaliland) Taawar baanu haysanaa, laakiin waxa keliya ee inaga maqani waa Dakhligii innaga dhexeeyay (Soomaaliya) ee ay ahayd inaynu qaybsano intaynu kala baxayno ayay keligood dhinac ula jeedsadeen, laakiin Hawo ay Maamulkeeda awood ku leeyihiin iyo diyaarad ay innaga joojin karaan iyo mid ay inoo fasixi karaan midna ma jirto, taana waynagii markii ugu dambaysay ay Jabuuti kaga wada-hadalnay, Beesha Caalamkuna garta innaga ayay ina siisay, wixii ay heshiis ka baxeena miiska ayaynu keenay, iyagaa (Soomaaliya) weli isku maqan oo isku buuqsan, waxaynu weli fursad siinaynaa wada-hadallada iyo in Beesha Caalamku goob-joog ahaato, oo Somaliland ahaan aynaan innagu dhibaatada bilaabin oo Adduunku uu markhaatiga inoo furo. Waayo? Qodobka koowaad ee Xeerka duulimaadyada Adduunka wuxuu dhigayaa inaan la carqaladaynin duulimaadyada Rayidka ah ee Adduunyada iskaga socda, markaa kaadi badane waa loo gogol badiyaaye, waynu sugaynaa, laakiin haddii dhankooda waxba ka hirgeli waayaan hay’addu waxay leedahay Qorsheyaal aynaan halkan ka sheegayn oo aynu Maamulka hawadeena ku maaraynayno.”

Maareeyuhu waxa kale oo uu xusay in Soomaaliya jebisay Heshiiskii Hawada ee ay Somaliland ku wada-galeen “Maalintii dhawayd ee Madaxweynuhu tagay Jabuuti, waxay yidhaahdeen 15 Maalmood ka dib baanu soo diraynaa guddiyadii Farsamada, kuweenii waynu dirnay, laakiin Jabuuti markay tageen kuwoodii baa iman waayay, sidaasi oo kale ayay heshiisyadii kalena uga baxayeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka warramay heshiiskii Somaliland iyo Imaaraadka ee Garoonka diyaaradaha Berbera, waxaanu sheegay in Imaaraadka iyo Somaliland ku heshiiyeen in Madaarku noqdo mid loo isticmaalo Saldhig ahaan iyo Duulimaadyada diyaaradaha Rayidka ah “Madaarka Berbera waxaynu heshiis ku galnay inuu Saldhig u noqdo Dawladda Imaaraadka Carabta, qorshahaa waxa ku jiray inay inoo sameeyaan Madaar kale, muddo markii wada-hadalkii socday iyaguna yidhaahdeen waxa nagu batay dhaqaalihii Dekedda iyo kii Waddada, waxa la isugu ururay in Madaarka Berbera ka Jabuuti sida uu yahay (oo kale laga dhigo) inuu Saldhiggiina noqdo, Somaliland-na ka isticmaasho wixii ay ugu baahato oo ah duulimaadyadii (Rayidka), keligiina maaha ee Madaarradu intaas oo ujeeddo ayay wada qaban karaan.”

Ugu dambay, wuxuu ka hadlay diyaarado hore Somaliland looga joojiyey, kuwaasi oo kala ah Fly Dubai iyo Air Arabia “Diyaaradaha waxaanu isku haynay Annaga heshiis nala gala, Dawladda Somaliland waxay Warar Rasmiya ku heshay inay heshiis kula jiraan Dawladda Soomaaliya, markaa waxa la isku hayey sanadkaa iyo 8-daa bilood waxay ahayd Dawladda Somaliland heshiis la gala, iyaguna way ka war-wareegayeen, imikana heshiiskii bay inoo soo saxeexeen, heshiiskaas ayaa sheegaya in Cidda ay ka amar qaadanayaan tahay Somaliland, duulimaadyadoodana deg-deg bay u bilaabi doonaan..” ayuu yidhi.

 

 

Geeska.net/Hargeisa Office