4 Jeer Oo La Isku Dayey In Qabriga Nebiga (SCW) La Soo Faqo Iyo Sida Mucjisada Ah Ee Alle U Badbaadiyey (9)

0
870

Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii 9aad ee taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika uu akhristayaashiisa kula wadaagayo qisas ka waramaya marar la isku dayey in qabriga Nebiga la soo faqo balse siyaabo aynu mucjiso ku sheegi karno ay u baaqatay:

Isku daygii Afaraad:

Qisadan oo noqonaysa tii afaraad uguna dambaysay waxaa ka waramaya caalimkii dhul-mareenka ahaa ee Ibn Jubayr Abu Al-Xusayn Muxammed oo muslimk ahaa, waxa aanu ku qoray kitaabkiisa “Rixlatuhu” bogagga 34 illaa 35. Waxa aanu yidhi, “Annaga oo xajka u jeedna ayaa bishii Dul-Qicda (11aad) aanu ka soo ambabaxnay magaalada Iskandariya (Masar), markii aanu magaalada Maddiina waxyar ku sugnayn ayaa waxa magaaladii Madiina lanoogu keenay dad maxaabiis dagaal ah oo laga keenay ciidamadii Roomaaniyiinta. Markiiba waxaa xiise gaar ah noo yeelatay qaabka raggan loo waday, inta awr la soo saaray ayaa mid kasta loo jeediyey qaarka dambe ee awrka (Halkii ay ka ahayd in uu hore iyo dhinaca uu awrku u jeedo in uu qofkuna u jeesto), waxaana lale hareero socday dad garaacaya durbaanno, turubooyinnna afuufaya. Annaga oo yaabban ayaanu dadkii ka waraysannay qisada dadkan, kadib waxa ay nooga warrameen arrin beerku argagax iyo naxdin nala xanuunay” Ibnu Jubayr oo geeriyooday sannadkii 614kii Hijriyada ayaa isaga oo ka waramaya qisadan ka nixisay ee ay dadku uga sheegeen maxaabiistan Madiina loogu keenay, waxa uu buuggiisan “Rixlatuhu” ee uu kaga waramayo safarradii uu galay intii uu noolaa iyo qisaskii uu la kulmay ku yidhi, “Koox ka mid ah Kiristaankii deggenaa gobolka shaam ee Roomaaniyiinta ahaa ayaa inta ay isu yimaaddeen waxa ay isu abaabuleen koox budhcad badeed noqoto, waxa ay samaysteen maraakiib ay badda ku galaan, maraakiibtaas oo markii ay samaynayeen qalabkii ay ka sameeyeen ay ku soo rarteen awr ay ka soo kiraysteen Carabtii dhulka la deggenayd.

Kooxdan Roomaaniyiinta ah oo kaashanayey koox ahayd Carab Muslimiin ahaan jirtay oo diinta dib uga noqotay, markii ay dhamaysteen dhismihii maraakiibta waxa ay geliyeen badda, waxa aanay bilaabeen in ay dhacaan maraakiibta iyo doonyaha siday dadka Muslimiinta ah ee doonayey in ay xajka tagaan, waxaana la sheegaa in ay dadkaas muslimiinta ah ka gubeen illaa 15 markab. Intaas kuma ay koobnaan ee waxa ay u soo gudbeen maraakiibtii kale ee Muslimiintu lahayd ee xamuulka ahaa, gaar ahaan kuwii ganacsiga ah, sidoo kale inta ay beriga u soo degeen ayaa ay bilaabeen in ay dhacaan safarrada oo ay dilaan dadka wata. Iyaga oo sidoo kalana gubi jiray raashinka safarrada ganacsigu sidaan ee loo waday Makkah iyo Maddiinah. Kooxdan budhcadda ahi waa ay awoodaysteen oo ay gaadheen heer aanay abid gaadhin Roomaaniyiintii gobolka Shaam ku noolayd, sidoo kale waxa ay ku kaceen falal aad u fool xun oo intii Islaamku jiray aan hore u dhicin in cidi kula soo badheedho. La soco…