Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Safiirka Denmark Ee Dalka Kenya

0
722

Picture5Hargeysa(Geeska):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawlada Denmark u fadhiya dalka KENYA Mr:Geert Aagaard Andersen

Kulankan uu madaxweynaha Somaliland la qaatay safiirka oo ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada,Qorshaynta Iyo Madaxtooyada. Wasiirka Arrimaha debada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis oo markii uu kulankaasi dhamaaday warbaahinta uga waramay waxyaalaha lagaga wada hadlay,ayaa sheegay in kulankan lagu darsay xidhiidhka labada dal u dhaxeeya,waxaana uu tilmaamay in doonayey in warbixin laga siiyo Nabada,Arrimaha Doorashooyinka iyo Wadahadaladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Somaliya.

”Waad la socotaan oo Denmark iyo Somaliland Cilaaqaad wanaagsan baa ka dhexeeya, waxay ka mid tahay wadamada ugu waaweyn ee wax ina tara, waxay noogu yimaadeen inaanu warbixin ka siino xagga nabada, xagga doorashooyinka iyo wada hadalada,waxaanuna ku soo dhaweynayaa Safiirka Bookhashadaa rasmiga ah ee uu noogu yimid” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis. Dhanka kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay safiirka Denmark u qaabilsan dalka KENYA Mr:Geert Aagaard Andersen,waxaana uu sheegay in kulankan uu la qaatay madaxweynaha somaliland uu lagaga hadlayey arimo la xidhiidha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sanadka soo socda, xidhiidhka labada dal iyo arimo la xidhiidho khayraadka somaliland.