4 Dhaqan Oo Nafta Geliya Farxad Ka Badan Farxadda Ay Ka Heli Lahayd $20 Milyan Oo Ay Hawl La’aan Ku Heshay

0
207

Washington (Geeska)- “Maxaa noloshaada farxad geliya?” waa su’aal si toos ah iyo si dadbanba joogto ugu soo dhacda maskaxda qof kasta oo aadamaha ka mid ah, laakiin jawaabta ay maskaxdoodu ka bixinayso ayaa ay ku kala duwan yihiin.

Waxaa jira jawaabo kala duwan oo isku daya in ay ogaadaan, halka uu qofku ka helo farxad. Mid ka mid ah oo dadka badankoodu ku qancaan ayaa aaminsan in farxaddu ay walaal la tahay lacagta. Laakiin Dr. Saanjiif Jobra oo ah bare-sare oo caafimaadka ka dhiga kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Harvard ayaan isagu jawaabtaas ku qancin.

“Xitaa in aad 20 Milyan oo doolar ku hesho bakhtiyaa-nasiib, kuuma ballanqaadi karto in aad ruux faraxsan oo noloshiisa ka raaliya noqoto” Ayaa uu yidhi Dr. Saanjiif. Isaga oo arrintaas u soo xujaystay cilmibaadhiso muujinaya in inkasta oo uu qofku aad u farxo marka hore ee uu bakhtiyaanasiibka helo, haddana muddo gaaban kaddib ay farxaddaasi iska tirtiranto oo uu xaaladdiisii hore ku soo noqdo, ama ay dhacdaba in uu ka farxad yaraado sida uu ahaa markii aanu helin bakhtiyaanasiibka.

Bare-sare Saanjiif waxa uu sheegay in aanay farxaddu ku xidhnayn haynta qofka, balse ay jiraan sababo kale oo qofka ku beera farxad, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  1. Saaxiibbada iyo qoyska

In qofku xidhiidh dhow la yeesho dadka uu aaminsan yahay, kuna xan qarsadaa, waxa ay ka mid tahay sababaha qofka farxad geliya. Sidaa awgeed talada saxda ahi waa in qofku uu marka hore si xikmad iyo caqli ku dhisan u doorto. Intaas oo keliya ma’aha ee waa in uu ka shaqeeyo in uu saaxiibbadii la wadaago damaashaad iyo munaasabad kasta oo saaxiibka qiimo ugu fadhida.

Xeeldheereyaasha cilmiga bulshadu waxa ay ku celceliyey faa’iidada ay caafimaadka qofka u leedahay in uu xidhiidho macno ku fadhiya abuurto. Janaraal hore uga tirsanaan jiray ciidamada Maraykanka oo lagu magacaabo Vivek Murty ayaa sannadkii 2017 kii maqaal uu qoray oo uu arrintan kaga hadlaya, waxyaabaha uu yidhi waxaa ka mid ahaa “Haddii aynu dhisi kari weyno xidhiidho bulsho oo adag. Waxa aynu ku sii jiri doonnaa kala firidhsanaanta, goobaha shaqada iyo goobaha bulshada labada.

Cilmibaadhayaashu waxa ay ka marag kaceen in qofka oo gooni joog noqda ama nolo bulsho oo dadka ka faquuqan ku noolaadaa ay caafimaadka ku keento dhaawac caafimaad oo ka khatar badan dhaawaca uu keenayo in qofku uu maalin kasta nuuga 15 xabbo oo sigaar ah”

Daraasaddu waxa ay muujisay in saaxiibtinimadu ay yarayso khatarta dhimashada aan lahayn sababta la ogyahay iyo in ay yarayso ama ka hortagto xanuunnada qaar, isla markaana ay dedejiso awoodda ka soo kabasho ee qofka xanuunsanaya.

  1. Cafiska

In aad awood u yeelato cafiksa dadku waxa ay kaa kaxaysaa culayska nafsiga ah ee ka dhasha nacaybka iyo xaalado kale oo caafimaad darro oo la xidhiidha dareenka iyo caadifadda qofka, kuwaas oo haddii aan la iska daweyn dhaawac gaadhsiin kara farxadda.

Qoraagu waxa uu soo xiganayaa Nelson Mandela oo ahaa halyeey si dunida oo dhami ka maragkacday ugu dhaqmay qodobka cafiksa. Sannadkii 1990 kii, markii uu dhammaad ku dhowaa xilligii midab takoorka iyo in caddaanka tirada yari ku tacaddiyaan madowga, ayaa Nelson Mandela laga soo daayey xabsi uu ku jiray 27 ka sano.

Mandela markii uu xabsiga ka soo baxay waxa ugu badan ee laga filayey ama dadkii taageersanaa weydiinayeen waxa uu ahaa bal in uu cadho u qabo nidaamkii iyo siyaasiyiintii xabsiga dulmiga ah muddada dheer ku haysay.

Waxa kale oo kasta waa laga filan karayey Mandela laakiin dadka badankoodu kama ay filayn ereyadii uu ku jawaabay ee ahaa, “Wax ciil ah ma qabo, cidna nacayb uma hayo. In aad cid nacayb iyo ciil u qabtaa waxa ay la mid tahay in aad sun cabto, kaddibna aad niyeysato in suntan aad adigu cabtay ay dili doonto cadowgaaga”

Karen Swarz, oo agaasime ka ah rugta daraasaynta iyo daweynta xaaladaha nafsiga ah ee khlakhalka ku keena maskaxda iyo la talinta dadka la kulma xaaladahan caafimaad oo ka tirsan cisbitaalka Johns Hopkins, ayaa sheegay, “In qofku uu qaato go’aamo miyir ku dhisan oo uu iskaga nadiifinayo uur xumada iyo dareennada taban ee uu qofka u hayo, isaga oo aan u eegayn in qofkaasi u qalmo cafis iyo in aanu mudnayn in la cafiyaa. Waxa ay qofka u keentaa farxad nololeed.

Cilmibaadhiso dhowaan la sameeyeyna waxa ay daahfureen in cafisku uu qofka ka yareeyo khatarta ah in wadne xanuun ku dhaco, isla markaana ay wanaajiso heerka dufanka (Kalastarool) ee dhiiggiisa ku jira, iyo in ay dejiso dhiigkarka, qulubka, diiqadda iyo cadhada.

  1. Wax bixinta

Dr. Saanjiif Jobra waxa uu sheegay in qofka oo ka qaybqaata hawlaha samafalka iyo sadaqo bixinta iyo in lacago deeq ah lagu caawiyo dadka baahani, ay ka mid yihiin arrimaha ugu fiican ee ay tahay in qofku uu waqtigiisa ku qaato.

Cilmibaadhayaal arrimahan u kuurgalay waxa ay soo jeedinayaan in dadka tabarucaadka iyo samafalka ka shaqeeyaa ay farxad weyn oo lololeed helaan, ixtiraamka iyo kalsoonida ay naftooda u qabaan ay kor u kacdo isla markaana ay ku yaraato dhimashada aan sababta la yaqaanno lahayn.

Cilmibaadhis ay sameeyeen jaamacadaha Chicago iyo Northwestern ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in qofka oo wax bixiya, halkii uu isagu wax ka qaadan lahaa, ay ku keento farxad muddo dheer waarta. Hal tijaabo oo ay khubaradu sameeyeenna waxa ay ku ogaadeen in boqolkiiba 96 dadkii la tijaabinayey, muddo shan maalmood ah oo maalin kasta la siinayey 5 doolar, iyada oo loo sheegayo in ay ikhtiyaar u leeyihiin in ay lacagtaas iyagu isticmaalaan iyo in ay cid kale sii siiyaan.

Dadkan tijaabada laga qaadayey ayaa intii aanay tijaabadan marin dhammaantood la hubiyey in xaaladdooda nafsiga ah iyo farxaddooduba isku mid tahay, natiijada u soo baxday cilmibaadhayaashuna waxa ay noqotay, “In Dadkii lacagtii la siiyey iyagu isticmaalay ay ugu yaraan muddadii shanta maalmood ahayd ka farxad yaraayeen, dadka iyagu waxa la siiyey cid kale oo uga baahi badan sii siinayey gebi ahaan ama badh ahaanba.

  1. Isbogaadin ama baanis

Dr. Saanjiif Jobra waxa uu sheegay in haddii qofku aanu aqoonin in uu naftiisa bogaadiyo, in aanay suurtagalba ahayn in uu farxad nololeed helo. In qofku uu naftiisa wanaagga ay fashay ku bogaadiyaa ma’aha arrin xun, marar badanna innaga oo aan is ogeyn ayaa ay dhacdaaba, oo waa innaga ku celcelinna ereyada ay ka mid yihiin, “Waan ku faraxsanahay, ama waan ku ‘hanweynahay’ iwm.

Cilmibaadhis ay samaysay Iskaashatada cilminafsiga ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in qofka oo isu boga ama is bogaadiyaa ay ku abuurto dareen ah in uu waayo-aragnimo fiican ka helayo hawsha uu qabanayo iyo in uu ka badbaado duruufaha culayska iyo diiqadda abuuraya, isla markaana uu xoogeysto xidhiidhada uu bulshada la leeyahay.

Isaga oo Dr. Saanjiif Jobra ka hadlaya arrintanna waxa uu yidhi, “In aad waqti ku qaadato ka fikirka waxaa naftiisu iskaga raallida tahay ama ku baani kartaa ay ku abuurto in uu si ka badan sida caadiga ah u dareemo arrimaha nolosha farxad geliya” Dr. Saanjiif waxa uu yidhi, “Arrintani ugu yaraan waxa ay kugu abuuraysaa dareen ah in aanu dareenkaagu u badan dhinaca taban ee nolosha”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.