Agaasimaha Guud Ee Cisbitaalka Burco Oo Meesha Ka Saaray In Shuban Biyood Ay Arkeen

0
685

Burco(Geeka)-Agaasimaha guud ee cisbitaalka guud ee Burco Dr.  Cabdi Suudi Ibaarim ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in magaalada Burco uu ka jiro shuban biyood, waxaanu sheegay inay jiraan caruur biyahii roobabka ee magaaladu ay ku keeneen nadaafad darr isla markaasna u shubmay kuwaas oo xaaladoodu ay caadi tahay.

Agaasimaha oo la hadlay wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in xaalada magaaladu ay caadi tahay, waxaanu isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “ magaalada waxa helay roobab waaweyn oo leh daad badan markaas waxa jira shuban bulaacadaha dumay iyo nadaafad la’aantu ay keentay kaas oo caruurta u badan helay, laakiin waxaan xaqiijinayaa in aanay jirin wax shuban biyood la yidhaaho oo dadku ay sheeg sheegayaan, waa xaalad caadi ah xoogaa caruur shuban u nadaafad daro ah uu ku yimi uun baanbaa jira.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here