Nuxurka Waraaqo Ay Kenya Iyo Soomaaliya Isweydaarsadeen Oo Sii Adkaynaya Khilaafka Diblomaasiyadeed Ee U Dhexeeya

0
770

Nayrobi(Geeska/The standard)-Dawladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa isweydaarsaday laba waraaqood oo sii adkaynaya khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labadaas dal.

Wargeyska The standard ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa warbixin dheer oo uu qoray wuxuu ku sheegay inuu arkay warqad ay dawladda Kenya u dirtay dawladda Soomaaliya 21 May, taas oo ay ugu hanjabtay inay awood ciidan u adeegsan doonto muwaadiniin Soomaaliya u dhashay oo ay ku eedaysay inay burburiyeen deyr ay Kenya doonayso inay iskaga xidho xadka ay la wadaagto Soomaaliya. “Sii waditaan kasta oo ah burburinta derbiga waxa laga bixin doonaan jawaab ciidan.” Ayay tidhi warqada Kenya oo ay qortay wasiirka arrimaha diabdda Kenya oo loo gudbiyay Soomaaliya, waxaanay intaas raacisay inay Kenya qiimayn ku wado burburinta ay sheegtay in loo gaystay darbigaas ay dhisayso, “Kenya waxay qiimaynaysaa kharashka dhaawaca ay muwaadiniinta Soomaaliya gaadhsiiyeen si looga dalbado magdhaw.”

Kenya waxa ay intaas ku dartay, “Waa rajada Kenya in Soomaaliya ay jawaabo ku haboon ka soo bixiso si Kenya loogu damaanad qaado inaan ammaanka xuduudka la burburin ama aan si kale aanay u waxyeelin ficilada muwaadiniintteedu.”

Dawladda Soomaaliya ayaa iyaduna geesteeda ka soo jawaabtay warqadaas, waxaanay ku sheegtay inaanay waxba ka jirin eedaymahaas Kenya, “Dawladda Soomaaliya waxay diidantahay eedahaas inay si uun qayb uga tahay.” Ayay tidhi Soomaaliya, waxaanay intaas raacisay, “Dawladda Soomaaliya, kama warqabto mana hayso wax cadaymo ah oo ah in muwaadinteedu khasaare gaadhsiiyeen derbigaas. Dawladda Kenya ayaa laga sugayaa inay nala wadaagto warbixino dheeraad ah, intaas ka dibna waxaanu siin doonaa tixgelinta ugu badan.”

Waxa ay dawladda Soomaalilya wardaas ku soo jeedisay in la sameeyo guddi farsamo oo ka wada xaajoota khilaafka labada wadan oo meel xaasaasi ah hadda maraya.

Geesta kale, wuxuu wargeysku sheegay inay Kenya xayiraad ku soo rogtay 66 ruux oo Soomaaliya u dhashay oo ay ka mid yihiin mid ka mid ah golaha wasiirada, Rayalwasaare hore, xubin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeenka madaxda hay’adda sirdoonka Soomaaliya yo weliba mulkiilayasha qaar ka mid ah shirkadaha Telefoonada.

Sidoo kale waxa liiska ku jira muwaadiniin Somali-Kenyan ah oo ka soo jeeda qabiilka Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Talaabooyinka kale ee uu wargeysku sheegay inay Kenya qaaday waxa ka mid ah inay xoojiso xidhiidhka ay la leedahay dawladda Somaliland, laakiin Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa wargeyska u sheegay inay dawlada Kenya weydiisatay dawladooda Soomaaliya ogolaanshaha in Kenya ay xafiis ka furato Hargeysa, “Waa dawladda Soomaaliya cidda Kenya siisay ogolaanshaha inay qunsuliyad ka furato Hargeysa, Kenyana waxay annagana noo ogolaatay inaanu qunsuliyad ka furano Mombasa haddii aanu doonayno.”

Wasiir Cawad, waxa uu sheegay inaanay Soomaaliya diyaar u ahayn inay sii cakirto xiisadan ka dhaxaysa labada wadan, “Uma xiiso qabno mindi-mindi ku taag, waxaanu rabnaa inaanu xidhiidh wanaagsan la yeelano Kenya.” Ayuu yidhi Wasiirka khaarajiga Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here