4 Arrimood Oo Ay Saynisyahannada Iyo Caamadu Si Isku Mid Ah Khuraafaad Uga Aaminsanaayeen Cilmiga Hortii

0
902

Khuraafaadka iyo in la aamino arrimo aan xaqiiqo cilmiya loo haynini waa arrin weligeeda dunida soo jireen ka ahayd.

Si kasta oo ay xadaaradaha, dhaqannada iyo diimaha bulshooyinka dunidu u kala duwan yihiinna aaminsanaanta waxyaabaha khuraafaadka ahi inkasta oo ay leeg yihiin ba waa ay ka dhex jiraan.

Waxa kale oo ay dadku aragtiyo khuraafaad ku salaysan ka qaataan wax kasta oo noloshooda ku cusub, sida cilmiga, cudurrada, dawooyinka, cuntada iyo dhinacyada kale ee noloshooda saamaynta ku yeesha.

Waxaa jira waxyaabo badan oo maanta dunida arrin caadiya ka ah ama dadka oo dhami wanaag ka fishaan balse soo maray waqtiyada qaar dadku ka haysteen aragtiyo taas burinaysa.

Arrintani kuma koobna dadka caadiga ah iyo caamada balse sida oo kale xeeldheereyaal iyo saynisyahanno badan ayaa jira oo arrimo marka dambe cilmigu caadi ka dhigay waqtiyada qaar u haystay si ka duwan sidaas ama fikirro qaldan ka haystay.

Warbixintan waxa aynu ku eegaynaa dhowr arrimood oo ay waayadii hore dadku fikrado khuraafaad ah ka aaminsanaayeen oo markii dambe cilmigu beeniyey.

  1. Kalooraha waxaa sababa hawo sun ah oo dhulka ka soo baxda: Intii aanu cilmigu ogaanin in Jeermisku uu yahay sababta cudurka, waxa ay saynisyahanno badani aaminsanaayeen waxa loogu yeedho aragtiina ‘Miasma’ oo ah in xanuunno uu kallooruhu ka mid yahay sababtoodu ay tahay hawo qudhuntay ama xumaatay oo dhulka ka soo baxday.

Fikirkan oo aad ugu faafay inta badan ee dalalka Yurub, Shiinaha iyo Koonfurta Aasiya ayaa qabay in maaddooyin dhulka hoostiisa gala kaddibna ku milmaa ay marka dambe soo raacaan hawo dhulka ka soo baxaysa oo qof kasta oo ay gaadho xanuuno ku keenaysa.

Fikirkaas ay sayanisyahannadu qarniyada badan qabeenn, waxa uu beenoobay markii sannadii 1876 uu saynisyahankii caanka ahaa ee Robert Koch helay Jeermiska sababa cudurka. Taas oo xaqiijisay in cudurradu ay ka dhashaan noole ili ma qabatay ah, kaas oo ay noocyadiisa ka mid yihiin bakteeriyada iyo Fayrasku, laakiin sababaha deegaanku ay keliya xanuunka u gogol xaadhaan ama saamayn ku leeyihini sii badashada xanuunka iyo faafitaankiisa.

  1. Looma baahna Faraxal iyo maaddooyinka jeermiska lagu nadiifiyo: Intii ka horreysay sannadkii 1960 kii dhakhaatiirta Adduunku ma’ay aqoonin dhaqanka waqtigan caanka ah ee ah in dhakhtarku uu gacmihiisa dhaqo, maaddooyinka nadiifiya jeermiskana isticmaalo marka uu qof bukaan ah qalniin ku samaynayo ama nabar ku yaalla taabanayo.

Dr Ignaz Philipp oo ahaa Saynisyahan iyo dhakhtar caafimaad oo u dhashay dalka Hungary ayaa ahaa qofkii ugu horreeyey ee dhakhaatiirta u soo jeediyey in gacmaha ay maydhaan marka ay taabanayaan qof bukaan ah, laakiin dhakhaatiirtii oo dhan ayaa fikirkiisa ka hor yimi qaar badan oo ka mid ahina waxa ay xaqireen Dr. Ingaz iyaga oo ku andacoonaya in ay wax lala yaabo tahay in isaga oo aqoon leh uu fikir sidaas khuraafaad u ah aamino.

Xilligaas weli cilmigu ma’ uu helin in xanuunkuba uu ka dhasho jeermis, sidaas awgeed dhakhaatiirtu xitaa xilliga qalniinka ay gelayaan siima ay dhiqi jirin gacmahooda, lamana nadiifin jirin qalabka qalniinka marka bukaan lagu qalo. Waxaa ka sii yaab badan in xilligaas qaaradda Yurub iyo meelo badan oo kalaba aan laga aqoonin dhaqanka ah in dharka la dhaqo.

Dr. Ingnaz Philipp markii uu fikirkan soo jeediyey ee inta la diiday aadna dhakhaatiirtii kale ula yaabeen, qaarkoodna yaseen waxa uu ka qaaday cadho gaadhay in uu xakamayn kari waayey illaa uu faraha ka qaaday shaqadii uu cisbitaalka ka hayey.

Digtoorka hadda waxa uu cilmigu u aqoonsan yahay in uu ahaa ninkii hal abuuray dawooyinka jidhka iyo gacmaba lagaga nadiifiyo jeermiska.

  1. Mercury: Mercury waa curiye bir dareere ah oo dunida dhif ku ah. Sida saynisku uu xaqiijiyey curiyahan ‘Mercury’ waxa uu khatar ku yahay guud ahaanba caafimaadka.

Laakiin waxaa hore u jirtay in dadku ay taariikhii hore curiyaha Mercury u aqoonsanaayeen dawo mucjiso ah oo awood u leh in ay xanuunno badan si dhaqso ah uga takhalusto.

Sannadkii 210 kii dhalashadii Nebi Ciise (CS) ka hor ayaa Imbaraadoorkii Shiinaha u talinayey ee lagu magacaabi jiray Shiin Shi Huwang. Waxa uu u tegey nin dawo dhaqamadeedka wax ku dabiiba, waxa aanu ka codsaday dawo geerida ka badbaadinaysa oo uu weligii waarayo.

Dhakhatarkii waxa uu hoggaamiyihii waaritaanka doonayey siiyey kiniin samays ah oo uu gudaha ugu jiro curiyaha Mercury, taas oo sababtay in Imbaraadoorkii uu muddo gaaban gudaheed ku sumoobay, sidaasna ku geeriyooday.

Dhakhtarkan oo keliya kuma uu koobnayn dhaqanka ah in Mercury dawo ahaan loo isticmaalo, balse waxa ay ahayd arrin qarnigii 16 naad dunida caafimaadka caan ka dhex noqotay. Muddo afar qarni ah oo ka dambeeyeyna aanay dadku joojin isticmaalkeeda oo markii dambe ay ku soo biirtay in loo adeegsado nadaafadda. Dad badan ayaa u dhintay sumow ay ka qaadeen Mercury, oo xitaa sagaashamaadkii qarnigii dhowaa dad badani u isticmaali jireen ka hortagga uurka, laguna dari jiray qaar ka mid ah dawooyinka ilkaha lagu cadayo.

Ugu dambayntii, waxaa la xaqiijiyey in mercury ay khatar ku tahay neerfaha aadamaha oo xaaladaha ay keento uu gariir ka mid yahay, maskaxda oo meelaha ay dhaawacdo ay xusuustu ka mid tahay, caafimaadka nafsiga ah iyo maqaarka.

Markii uu cilmigu caddeeyey in mercury ay tahay sun khatar ku ah caafimaadka, ayaa dunida oo dhan laga mamnuucay in si toos ah ama iyada oo maaddooyin kale ku dhex jirta loo isticmaalo dawo ahaan, laakiin weli waa maaddo muhiim ah oo loo isticmaalo samaynta qalabka heerkulka lagu cabbiro, qalabyo kala duwan oo caafimaadka, loo adeegsado, qalabka korontada iyo waxyaabo kale oo nolosha aadamaha muhiim u ah.

  1. Raacitaanka tareennadu waxa ay keentaa neef qabatow iyo waalli: Fikirrada yaabka leh ee in badan oo aadamaha ka mid ahi ay aaminsanaan jireen waqtiyada qaar waxaa ka mid ah in qofku aanu raaci gaadiid ama shay kasta oo ku socda xawaare ka sarreeya 30 mayl saacaddii.

Dhakhaatiirta neerfayaasha iyo maskaxdu waxa ay qabeen in xawaaraha intaas ka sarreeyaa uu jaahwareer iyo lulun dhaawac keena ku sababayo maskaxda, sida oo kalana qofka ku adkaynayo helitaanka neefta ogsajiinta. Iyo sida oo kale in dhawaqa tareenka ee xooggani ay qofka waalli ku keenayso. Laakiin ay ahayd intii aan la hindisin tareenka.

Markii tareenka la sameeyey dadka badankoodu waa ay ka maageen raacistiisa iyaga oo ka baqa qaba in neeftu ku qabato ama dhaawac maskaxda iyo neerfeyaasha ahi soo gaadho.

Waxaa aad u faafay fikirado iyo sheekooyin fool xun oo laga sheegayo tareenka, waxaa ka mid ahaa in dad badan oo xanuunnada dhimirku ku dhaceen loo yaqaannay in sababtu ay tahay tareenka, dadkuna aad u isticmaali jireen ereyga ‘Waallida tareenka’ oo ay cilmi u haysteen.

Joornaallada arrimaha caafimaadka ka faalloda ayaa iyaguna si joogto ah u qaadaa dhigi jiray arrimo la xidhiidha tareenka iyo saamayntiisa caafimaadka, iyo wax ay ku sheegayaan calaamadaha lagu garan karo qofka waallida tareennadu ku dhacdo. Si kastaba ha ahaato ee fikirkaasi si tartiib tartiib ah ayaa uu hoos ugu dhacay ugu damayntiina u tirtirmay markii ay soo badatay baahidii isticmaalak tareenka dadkuna si aad ah ula qabsadeen.