Arrimaha Caafimaadka: Calool Istaag (Constipation)

0
221

Sanad wanaagsan akhriste,

Waxa aynu maanta taxanaheenii caafimaad ku gorfayn doonaa calool istaaga. Calool istaag waxa loo yaqaanaa marka uu qofku saxaroodo 3 ama ka yar todobaadkii. Calool istaaga ayaa ah xaalad caafimaad oo aad caan u ah isla markaana dadka intooda badan ugu yaraan mar uun soo marta/martay noloshooda. Calool istaagu waa astaan ka mid ah astaamaha cuduro kala duwani muujiyaan balse aan iyada lafteedu ahayn cudur.

Sida caadiga ah cuntadu marka ay jidhkeena soo gasho ee la dheefshiido, waxa nafaqada badankeeda laga nuugaa midhicirka yar ( Xiidmaha). Hadhaaga ayaa u gudba midhicirka weyn halkaas oo wax yar laga nuugo. Midhicirkeena weyn ayaa u ah hoy noocyo kala duwan oo bacterai-ah oo dheef weyn inoo leh. Bacteria-dan ayaa farsamaysa hadhaaga cuntada oo ka soo saarta vitamins kala duwan oo dib midhicirka weyn looga nuugo. Hawl-galkaa ka dib waxaa soo baxa qashin ay tahay in jidhka laga saaro.

Xikmadda Rabbi, qofba si gaar ah ayuu u shaqeeyaa jidhkiisu oo ka geddisan hadba qofka kale. Waxa kala duwan waqtiga ay ku qaadato dheef-shiidka bini-aadmiga laga bilaabo cunidda dhuuniga ilaa soo saaridda saxarada. Waxa kala duwan qofba inta u caadiga ah inuu fadhiisto maalintii ilaa todobaadkii celcelis ahaan. Tan ayaa ah midda jaan goynaysa in aynu aqoonsano calool istaaga, iyada oo loo eegaayo hadba bukaanka. Xadiga biyaha ah ee ku jira saxarada ayaa xadidaya nooca ay noqonayso iyo xaalada bukaanka la soo dersaysa. Saxarada oo la xejisto ayaa keenaysa inuu sii socdo hanaanka weli lagaga nuugayo biyaha taas oo sii adkaynaysa saxarada.

Calool istaaga ayaa lagu arki karaa dadka oo dhan da’ kasta oo ay yihiin. Dumarka ayaa iyagu kaga badan raga xaaladan caafimaad iyada oo loo aaneeyoo uurka.

Calool istaaga ayaa noqon kara mid ka bilaabmay midhicirka weyn iyo mid ka dhashay xaalado ka baxsan midhicirka weyn. Waxa ka mid ah xaalada keena:-

Uurka

Kansarada ku dhaca midhicirka

Midhicirka oo isku bogsada

Midhicirka oo cidhiidhi gala

Macaanka iyo khalkhal ku yimaada macdanaha qaar

Faaliga, dhaawac soo gaadha madaxa / maskaxda ama xangullaha.

Dawooyinka qaarkood ayaa iyaguna keeni kara calool istaaga

Calool istaaga ayaa marna noqon kara cabashada qudha ee bukaanka, halka marar kale ay weheliyaan xaalado ay ka mid yihiin dibiro, casiraad, dhiig ka imanaya malawadka iyo adhaxda oo xanuunta, qofka oo yeesha docasho badan iyo inuu dareemo in aanay weli soo wada dhamaan saxaradii. Neef aan soo baxayn iyo calool istaag wada jira ayaa noqon kara xaalad caafimaad oo degdeg ah oo ay tahay in qaliin loo sameeyo bukaanka.

Baadhitaano kala duwan ayaa la adeegsadaa si loo ogaado sababta halka mararka qaarna xogta caafimaad ee bukaanku iyadu ina siin karto tilmaan dhamays tiran. Waxa la eegi karaa dhiiga iyada oo la baadhayo qaybo kala duwan oo jidhka ka mid ah. Raajada, CT-SCAN iyo camerada midhicirada lagu arko ( COLONOSCOPY ) ayaa iyagana la adeegsan karaa si loo ogaado halka ay sartu ka qudhuntay.

Maaraynta calool istaaga ayaa leh wejiyo badan oo laga abaaro. Waxa ugu weyn in la saxo nolol maalmeedka bukaanka oo ka dhib yar isla markaana mudo dheer la adeegsan karo oo ay ka mid yihiin :-

Khudrada iyo cuntada baalka leh oo la badsado

Cabitaanka biyaha oo kor loo qaado ( ugu yaraan 8 koob maalintii)

Jimicsiga aya isna ah mid mudnaantiisa leh

Dawooyinka ayaa iyagu ah qaar kala duwan oo ka hawl gala meelo kala duwan. Jimicsiyada muruqyada misigta iyo qalliinka ayaa iyaguna ah xalal lagu hagaajin karo xaaladan.

Calool istaaga waxaa ka dhalan kara (complication) babaasiir, dilaac soo gaadha dabada (anal fissure), saxarada oo ku xanibanta midhicirka, docashada badan oo keenta malawadku inuu soo dhaco oo soo baxo.

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Email:deeqadahab17@gmail.com