Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Sheegay Inay Kor U Kacday Kalsoonida Shacabku ku Qabo Garsoorka Somaliland

0
698

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka warramay Dacwadaha sannadkii dhammaaday ee 2020 soo galay Maxkamadaha dalka.

Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo u warramay Warbaahinta, ayaa sheegay in sannadkii dhamaaday ee 2020 ay Maxkamadaha soo galeen 23,810 Dacwadood, kuwaasi oo 87% laga gar-naqay oo ay dhamaadeen.

Gar-yaqaanka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Sannadkii dhawaa 2020 waxa Maxkamadaha 23,810 Dacwadood guud ahaan, Dacwadahaasi waxay u sii kala qaybsan yihiin 12879 waa Dacwadaha Madaniga ah, iyagaana badan mar walba, 8,816 waxay ahaayeen dacwado Ciqaab ah, waxa kale oo iyaguna jiray 2,115 Dacwadood oo Dacwadaha fulinta loo yaqaano ah.

Dacwadahaa waxa dhamaaday 19,066 Dacwadood oo go’aan laga gaadhay, waxayna boqollayda ka noqonayaan 87%, waxaana hadhay 13%, waana 1,587 Dacwadood oo ah Dacwadaha culus. Halkaa waxaynu ka garanaynaa dedaalka ay sameeyeen guud ahaan hawl-wadeennada Garsoorku, gaar ahaan Maxkamadaha dalku, arrintaasi waa arrin aad loogu farxo.”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee JSL, Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed waxa kale oo uu sheegay “Sanadkii 2020 Dacwaduhu way kordheen waxayna noqdeen 23,810, halka ay sannadkii ka horreeyay ee 2019 ay ka ahaayeen Dacwaduhu 18,456 Dacwadood, sababta ay (u kordheena) wax kale maaha ee kalsoonida ay Dadku ku qabaan Hay’adda garsoorka ayaa sannad walba sare u sii kacda, kalsooni xoog ah ayay ku qabaan Dadku, Dadku boqolkiiba 80 ama in 90 ku dhow halkan bay yimaaddaan, Waayo? Dacwaduhu way deg-degayaan oo dhakhso ayaa loo kala saarayaa, fulintii baa fudud, arrintaasina waa wax lagu farxo, Hay’adda Garsoorka ee koone illaa koone waddanka joogtaa way ku amaanan yihiin oo shaqo fiican bay qabteen.”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office