Maskaxdaadu Jimicsi Bay U Baahantahay Ee Subax Kasta Maskaxdaada Ku Firfircooni Geli Hal Xidhaale

0
1518

1London (Geeska)- Hal-xidhaalayaasha qaarkood, gaar ahaan kuwa sawirrada iyo muuqaalka la xidhiidhaa waxa ay qofka ku ridayaan niyad jab iyo cadho, kadib marka aad ku guuldarraysato in aad furfurto ama ka jawaabto hal-xidhaalahaas.

Waxaa laga yaabaa dadka qaar in waqti badan ay ku qaataan eegista iyo u fiirsashada sawirka ama qoraalka hal-xidhaalaha ah, laakiin aanay natiijo sax ah ka gaadhin, waxa aanay cadhadu kugu si badanaysaa marka ay arkaan qof la mid ah oo deymo kooban kadib jawaabta oo saxda ah dhaqso u sheegay, kadibna ay ogaadeen in jawaabtu aad u sahlanayd. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa sheegaysa in Dr. Melina Kunar oo ah bare-sare oo jaamacadda Warwick ee dalka Ingiriiska ka dhigta Cilminafsiga ay Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska u sheegtay in xallinta hal-xidhaalayaashu aanay inta badan ku xidhnayn heerka fariidnimo iyo garaad badnaanta qofka, laakiin cilmibaadhiso kala duwan ayaa xaqiijinaya in tijaabooyinka heerka maskaxda lagu qiyaaso oo la caadaystaa ay maskaxda ka caawinayso in ay fiicnaato oo kor u kacdo awooddeeda dhinaca dhugmada iyo fiiro-dheeraantu.

Dr. Kunar waxa ay ku talisay in ay faa’ido badan leedahay in qof kastaa uu naftiisa maalin kasta u diro ka jawaabista iyo furfurista dhowr hal-xidhaale. Intaa kadib Al-Carabiya waxa ay qormadan uu Geeska Afrika turjumay akhristayaasha u soo gudbinaysaa dhowr hal-xidhaale oo loogu talogalay in qofku uu eegmada ku garto jawaabtooda. Haddaba marka aad hal-xidhaalayaashan ka jawaabto, waxa aad jawaabta saxda ah ka eegtaa cadadka dambe ee Geeska Afrika si aad u hubiso in aad garatay iyo in kale: Sidoo kale waxa aad jawaabtaada akhristayaasha Barnaamijkan Googooska Geeska kula wadaagi kartaa boogga Facebook ee ah: www.facebook.com/Googooska

London (Geeska)- Hal-xidhaalayaasha qaarkood, gaar ahaan kuwa sawirrada iyo muuqaalka la xidhiidhaa waxa ay qofka ku ridayaan niyad jab iyo cadho, kadib marka aad ku guuldarraysato in aad furfurto ama ka jawaabto hal-xidhaalahaas.