3 Carrur Ah Oo Uu Dhalay Ayaa U Dhintay ‘Typhoid’ Markaasuu Go’aansaday Dawo U Helidda Cudurrada Faafa

0
646

Marar kala duwan ayaa ay aadamaha soo mareen xanuunno iyo masiibooyin dabiici ah oo ay ku le’deen, dhulkana geysay noloshooda oo dhinac kasta ah. Marka taariikhda dib loo eego xanuunno badan oo aadamaha aqoontooda iyo waayoaragnimadooda ku cusub ayaa dillaacay oo intii dawo iyo tallaal loo helayey gumaaday qaybo badan oo dadka ka mid ah. Laakiin masiibo kasta iyo xaalad kasta oo xanuun waxaa ka dhasha halyeey magac ku hela badbaadinta dadka, kaddib marka uu soo saaro dawo ama tallaal soo afjarta dhibaatada xanuunka.

Dadka sidaas halyeeynimada ku hantay waxaa ka mid ah Louis Pasteur oo bahda saynisku ay ku naanaysto ‘aabihii cilmiga difaaca jidhka’. Waxa uu ku xeeldheeraa cilmiga barashada nolosha iyo noolaha ee ‘Biology’. Waxa aanu baadhis iyo aqoon dheer si gaar ah ugu lahaa arrimaha caafimaadka.

Louis Pasteur waxa uu magaca iyo sharafta gaarka ah ku helay baadhistii cilmiga ahayd ee uu ku sameeyey sababaha keena xanuunka iyo hababka looga hortegi karo, iyada oo xilligaas aanay suurtagal ahayn in cidi garato habka uu u shaqeeyo habdhiska difaaca jidhka aadamuhu, isla markaana aan aqoon loo lahayn kala saarista Fanigaga (Fungi), Bakteeriyada iyo Fayraska, taas oo barashadoodu ay muhiim u tahay fahamka daweyntooda.

Waa kuma Louis Paseur

Dalka Faransiiska ayaa uu ku dhashay dabayaaqadii bishii laba iyo tobnaad ee 1822 kii. Waxaa dhalay aabo danyar ah oo ahaa askari sida oo kalana si uu nolosha carruurtiisa u bixiyo ku shaqaysta dahaadh marinta iyo hagaajinta hargaha la hoodhiyo, si looga faa’iidaysto saantooda. Laakiin waxa uu ahaa hawlkar ka soo baxay labadaas shaqo ee dhibta badan, oo uu ta hore ee askarinimada ah billad sharaf ku qaatay xilligii dagaalkii Napoleon Bonaparte.

Louis waxa uu ahaa wiil yaraantiisiiba ay ka muuqatay maskax badnaantu, waxa aanu goor horeba xariif ku noqday sawirka iyo midabbaynta. Shan iyo toban jirkiisii waxa sameeyey sawirro farshaxan aad u qurux badan ah, oo uu ku xardhay qaybo ka mid ah sawirrada qoyskiisa iyo saaxiibbadii. Kuwaas oo illaa maanta yaalla hoyga hiddaha iyo dhaqanka ee magaalada Paris.

Nolosha saboolnimo iyo waqtiga adag ee la joogay, haddana aabihii kama ay reebin in uu wiilkiisa kula dadaalo waxbarashada. Sannadkii 1840 kii ayaa uu Louis dhammaystay shahaadada koowaad ee waxbarashada jaamacadda. Waxa uu shahaadada ku qaatay cilmiga farshaxanka iyo suugaanta oo ah labada arrimood ee yaraantiisiiba la dareemay hibada uu u leeyahay. Laakiin intaas kuma uu joogsan, ama waalidkii kulama uu kaaftoomin, balse waxa kale oo uu bilaabay waxbarasho jaamacadeed oo dhinaca cilmiga ah. Laba sano kaddib shahaadadaas hore ayaanu mar kale dhammaystay shahaadada koowaad ee barashada jaamacadda oo markan ah Saynis. Louis halkaas ayaa uu ka sii waday waxbarashadii oo sannadkii 1847 kii uu qaatay shahaadada sare ee ‘Doctorate’ oo uu ka qaaday jaamacad lagu amgacaab kuliyadda sare ee macallimiinta oo ku taallay magaalada Paris.

Louis waxa uu dhowr sano ka shaqaynayey cilmibaadhisaha iyo macalinnimo uu wax kaga dhigi jiray mid ka mid ah dugsiyada saree e Paris. Sannadkii 1868 kiina waxa uu u dallacay macalinnimo jaamacadeed oo uu cilmiga Kimistariga ka dhigi jiray jaamacadda magaalada Strasbourg oo ku taalla woqooyiga bari ee dalka Faransiiska. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here