“Madaxweynaha Iyo Xukuumadda, Maanta Loogama Baahna Baaq Nabadeed”

0
537

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa si adag uga hadlay dagaal laba Beelood oo Walaalo ah ku dhex maray deegaanka Fadhi-gaab ee Gobolka Sanaag.

Cirro ayaa Colaadda fadhi-gaab oo soo noqnoqotay ku tilmaamay mid Ceeb ku ah Qaranka Somaliland guud ahaantii, gaar ahaana Dadka halkaa wada dega.

Guddoomiyaha oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Dagaalkii ka dhacay Fadhi-gaab ee Gobolka Sanaag, wuxuu naxdin, Ceeb iyo Dheg-xumo ku ahaa Qaranka Somaliland, gaar ahaan Dadka dega Degmada Ceel Af-weyn, waxaanu dhaawac iyo laf-jab ku ahaa nabaddii muddada dheer laga shaqaynayey ee la xidhay. Xaqiiqdii ma garan karo, waxaan ku cabbiro Colaadda Ceel Af-weyn iyo deegaanka ku xeeran oo soo noqnoqonaysa ee aan ahayn inay tahay Masiibo Qaran, waxa xaqiiq ah in Colaaddaa ilmihii ku dhashay uu Maanta wax kala garanayo oo uu Xoolo raac yahay, sida ku socoto waxaan ka baqayaa in Ilmihii ku dhashay Colaaddu uu ku dagaalamo oo uu ku dhinto, Ilaahay kama dhigee.”

Guddoomiyaha WADDANI waxa kale oo uu sheegay “Dadka wada dhashay ee isku Ehelka ah Cid uma noola oo boqollaal baa kaga dhintay, boqollaalna way kaga dhaawacmeen, kumanaan Waayeel iyo Carruur iyo Hooyooyin ahina way ku baro-kaceen Colaaddaas. dhibka Ceel Af-weyn kuma koobna intaas, waxa uu bar madow oo uur ku taallo ah ku noqotay dhammaan Qaranka Somaliland iyo Sumcaddii Nabadgalyada ahayd ee Somaliland ku suntanayd.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka warramay dedaalladii hore Somaliland oo dhami u galisay Colaadda Ceel Af-weyn “Dedaal, Wakhti iyo hanti baa ku baxay sidii Nabaddaa loo xidhi lahaa, sidoo kale Waayeelka iyo Waxgaradka Beelaha halkaa ku diriraya ee wada dhashay Orod iyo dedaal kuma hadhin, waxa Xusuus inoogu filan heshiiskii ugu cuslaa ee bishii Ogos, 2018 ay dhexdhexaadinta hoggaaminayeen Culimada Somaliland ee ay ka mid ahaayeen Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar, Sheekh Maxamed Cumar Dirir iyo dhamaan Culimadii ugu magaca weynayd Somaliland, afhayeena ka ahaa Sheekh Ismaaciil Dheeg.”

Mudane Cirro wuxuu baaq u diray Beelaha dhibaatadu dhex taallo “Waxaan ugu baaqayaa Beelaha Walaalaha ah ee Shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Fadhi-gaab inay ka waantoobaan Colaadda soo jeetantay, nabaddana xidhaan, kuna saleeyaan heshiisyadii kala dambeeyay  ee laga gaadhay Colaadda Ceel Af-weyn, kuwaasi oo uu ugu dambeeyay shirkii Samo-talis ee dhawaan Burco lagu soo gebogabeeyay.” Ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey inaan Xukuumadda looga baahnayn baaq nabadeed, balse looga fadhiyo inay heegan geliso Ciidammada, si loo soo qabto Dadka dhibaatadan joogtada ah ka masuulka ah “Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland, Maanta loogama baahna baaq nabadeed, waa inay heegan buuxa geliso Ciidammada Qaranka, si loo soo qabqabto Fidmo-wadeyaasha Maalin walba dhiigga daadinaya ee ka masuulka ah si loo horkeeno, si loo horkeeno Garsoorka iyo Cadaaladda dhinaca ay doonaanba haka tirsanaadeene..”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here