Siyaasiyiin 40 Jir Ka Yar Oo Dunida Caan Ka Noqday: Dhalinyaro Taladoodu Dunida Samaayn Ku Leedahay (2)

0
665

1Hargeysa (Geeska)- Qormadan xiisaha badan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa hoggaamiyeyaal iyo shakhsiyaad mansabyo sare haya oo da’doodu ka yar tahay Afartan sano, maadaama oo da’daas iyo ka weyn uun lagu ogaa talada iyo xukunka dunida.

4. Faransiis-Maraykan hal-adayg badan:

gg

Najaat Bal-qaasim, oo dhalatay sannadkii 1977kii asal ahaan waxa ay u dhalatay kuna dhalatay dalka Marooko. Waa siyaasiyad Faransiis ah, oo xilalka ay qabatay ay ka mid yihiin wasiirka xuquuqaha madaniga ah, dumarka Dhalinyarada iyo ciyaaraha iyada oo ka horna ahayd afhayeenka rasmiga ah ee xukuumadda, sannadkii 2008dii waxa ay ahayd ku-xigeenka duqa magaalada Lyon, sidoo kale muddo dheer oo sannadkii 2011ku ugu dambeeyeyna waxa ay xubin ka ahayd jaaliyadda dalka Marooko. Najaat waxa ay aad ugu dhaq-dhaqaaqdaa arrimaha sinnaanta iyo xuquuqdaha iyo sidoo kale fursad siinta soo galeetiga, waxase ay codka muslimiinta dalka Faransiiska weyday aadna ay u deyriyeen markii dhaq-dhaqaaqyadeeda dhinaca xuquuqdu ay lugaha la galeen arrimo Islaamku aanu ogolayn.

Si kastaba ha ahaato ee Najaat waxaa marar badan tusaale u soo qaata dadka ka faallooda arrimaha is-dhiska iyo horumarinta nafta. Najaat nolosheedii Marooko ee carruurnimadii waxa ay ahayd mid faqri ah oo aad u silic badan. Waxa ay ku dhalatay kuna barbaartay tuule miyiga fog ee Marooko ah, muddo dheer oo carruurnimadeeda ka mid ahayd ayaanay adhi jir ahayd. Najaat oo ah shakhsiyad aad ugu dhex muuqata xukuumadda Faransiiska awood aan la dhayalsan Karin oo siyaasi ahna ku leh siyaasadda dalka.

In kasta oo ay Najaat da’ aad u yar ku gashay siyaasadda dalka Faransiiska dad badanina mucjiso ku tilmaamaan horumarka yaabka leh ee ay ka samaysay iyo sida dhaqsaha ah ee ay isaga gudubtay mansabyo siyaasi ah oo aad u sarreeya, iyada oo weliba ka gudubtay caqabado aad u waaweyn oo ay ugu sahlan tahay cunsuriyad badan oo ay kala kulantay dabaqadda dhexe ee dalka Faransiiska, maadaama oo loo arkayey in ay tahay soo-galeetig dan yar ah, isla markaana dad badani aad u nacayeen in ruux Muslim ku abtirsanayaa uu xilal siyaasi ah qabto. Waxaana lagu tilmaamaa gabadh aad u hal-adag oo aan ka daalin himiladeeda illaa ay gaadho.

5. Xamdaan Bin Muxammed:

1

Dhaxal-sugaha Imaaradda Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Xamdaan Bin Muxammed Bin Raashid  ayaa lagu tilmaamaa shakhsiyad firfircooni iyo karti ka muujisya siyaasadda hoggaamineed ee Imaaraadda Dubai oo uu ka taliyo aabihii. Sheekh Xamdaan oo dhashay sannadkii 1982kii waa dhaxal-sugaha Imaaradda Dubai oo boqortooyo ah, waana guddoomiyaha golaha fulinta ee Imaaradda Dubai oo marka dhinaca dowladda laga eego u dhigma golaha wasiirrada, balse maadaama uu dalku Federaal yahay Dubai u gaar ah, magacana looga duway. Sidooo kale waa agaasimaha golaha fulinta ee Bangiga Dubai. Sheekh Xamdaan waxa uu ka baxay kuliyadda Milateriga ee boqortooyada Ingiriiska Sanhurs Royal Military academy. Sidoo kale waxa uu tababarro heerkoodu sarreeyo oo dhinaca dhaqaalaha ah ka qaatay kuliyadda dhaqaalaha ee London.

Dhinaca kalana Sheekh Xamdaan waa nin ciyaaraha oo heer caalami ah aad uga dhex muuqda guulo badanna ka soo hooyey, tusaale ahaan biladdad ahabka ah ayaa uu ka soo hooyey ciyaarihii Olombigada ee qaaradda Eeshiya, dhinaca Farda-fuulkana waa horyaalka dalkiisa, ugu dambayntiina Sheekh Xamad waana gabyaa aad ugu caan ah suugaanta iyo gabayga. Ugu dambayntii Sheekh Xamad waxaa lagu tilmaamaa nin marka ay talada iyo kartida maamul noqoto da’diisa aad uga weyn, inta badanna xikmad iyo kalsooni ku hoggaamiyaha masuuliyadihiisa.