Mahadhadii Abwaan Qaasim W/Q: Cabdiwahaab Tooxyare

0
618

Abwaan axmed ismaaciil diiriye oo ku magac dheeraa abwaan qaasim wuxuu ahaa abwaan ka caana oo laga yaqaan dhamaan geyiga soomalidu degto.

1

Waxaynu soo qaadan doonaa intaynu ka gaadhno suugaantiisii faca weynayd oo dhankastaba ka hadlaysay,iyadoo suugaantiisu u badnayd wadaninimo iyadoo marwalba uu ka hadli jiray dawladaha dhacay waxay ku guul daraysteen,isla markaasna abwaanku wuxuu soo dhawyn jiray dawlad kasta oo timaado isagoo yididiilo iyo rajo ka muujin jiray inay wuxuun qaban doonto.

Abwaan qaasim waxuu dhashay sanadii 1933kii, waxaana uu ku dhashay deeganka mandheera oo dhaxaysa gobolada maroodijeex iyo saaxil,hoosta ka xigta degmada cadaadley.

Muddo markii uu halkaa joogay abwaanku waxa uu ku gaadhay ilaa 12 jirkiisii halkaasi oo uu aha daba dhoon geela raaca ayaa uu soo galay magaalada hargeysa,halkaasi oo uu abwaan qaasim ka bilaabay waxbarashadiisii hoose isagoo markaasi galay dugsigii hoose dhexe ee axmed gurey,halkaasi oo macalimiin ugu ahaayeen muuse galaal iyo maxamed jaamac badmaax,muddo markii uu dhiganayay dugsigaasi ayaa waxa uu abwaanku u wareegay magaalada burco halkaasi oo uu ka sii watay waxabarashadiisii dugsiga hoose dhaxe.

Abwaan qaasim markii uu waxbarashadii dugsiga hoose dhexe dhamaystay waxaa uu waxbarashadiisii dugsiga sare ka bilaabay dugsigii sheekh halkaas oo uu iyadana ku dhamaystay.

Abwaanku mar wax laga waydiiyay suugaanta iyo curinteeda waxaa uu wareysi laga qaaday ku sheegay inuu aad u jeclaa gabayadii hore marwalbana aanuu afka ka dhigi jirin,markii dambena ilaahay ku ilhaamiyay.

Abwaanku waxaa uu sidoo kale aad ugu talax tagay culuumta falaga,xidigiska iyo hilaadinta saadaasha awalaaha maqan isagoo abwanku wax badan oo uu sheegay ay sidoodii u dhaceen,hadaba qormadeena tan xigta waxaynu ku soo qaadan doonaa siduu ugu baxay magaca “qaasim”,iyo qayb ka mida suugaantiisii. LA SOCO…

Cabdiwahaab tooxyare.

00252634139709.