2500 Oo Ka Mid Ah 7 Kun Iyo 100 Af Oo Dunida Lagaga Hadlo Ayaa Halis Ugu Jira In Ay Aamusaan

0
667

Ankara (Geeska)- Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in 2500 oo af oo ka mid ah 7100 af oo ay aadamaha dunidu ku hadlaan, ay khatar u yihiin in ay si abadi ah u aamusaan. Wakaaladda wararka dalka Turkiga ee Anadolu oo warbixinta qaramada midoobey ka samaysay warbixin ay soo koobtay, ayaa sheegtay in markii lagu jiray Qarnigii 15-naad ee Miilaadiga dunida lagaga hadli jiray qiyaas ah 15 kun oo luuqadood, laakiin maanta kala badh afafkaas ka mid ahi ay tirtirmeen, sababta ugu weyn ee galaafatayna ay tahay dagaallo lagu le’day, xasuuq baahsan iyo siyaasadaha.

Warka ka soo baxay Qaramada Midoobey waxa uu sheegay in afafka dunida maanta lagaga hadlaa ay dhan yihiin 7100 af, laakiin saddex meelood meel ka mid ah afafkaasi ay khatar u yihiin in ay tirtirmaan.

Waxa kale oo warbixintan Qaramada Midoobey lagu sheegay in afafka maxalliga ah ee dunida maanta ka jira qaarkood ay dadka ku hadlaa aanay ka badnayn 100 kun oo ruux, halka kuwo kalana ay dadku gaadheenba 2500, oo qaarkood filashada ah in ay dhaqso dunida uga baxaan la gaadhsiiyey in ay tahay boqolkiiba 800.

Dhinaca kalana waxa ay warbixintan hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobey u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanku sheegtay afaf iyagu sii xoogaystay oo isticmaalkoodu dunida si weyn ugu sii faafayo, waxa aana afka Mandarin ee lagaga hadlo dalka Shiinaha, oo isagu liiska afafka faafaya ugu horreeya, waxaa iyaguna afafkan sii adkaysanaya jiritaankooda dunida ka mid ah afka Ingiriisiga iyo Afcarabiga.

Afka Mandarin waa afka rasmiga ah ee dalka Shiinaha oo ay ku jirto jamhuuriyadda gooni goosadka ah ee Taywaan, sidoo kalana waxaa laga isticmaalaa dalal ay ka mid yihiin Burunaay (Burnei), Kanada, Malaysiya, New Zealand, Singabuura iyo dalka Fiyatnaam.

Afafka kale ee jiritaankoodu xooggan yahay waxaa ka mid ah afka Isbaanishka oo marka laga tago dalka Isbayn, sidoo kale ah afka rasmiga ah ee dalalka Arjentiina, Buuliifiya, Chili, Kolombiya, Koostarikaa, Kuuba,  Jamhuuriyadda Doominikan, Mexico, qaybo ka mid ah dalka Maraykanka, Kanada iyo dalal kale oo kala duwan.

Afka Ingiriisiga ayaa isna ah luuqadda koowaad ee dalal badan oo ay ka mid yihiin, Ingiriiska, Maraykanka, Ustareeliya, Kanada, Butiswaana, Eriteeriya, Gaambiya, Ireland, Kenya, Laybeeriya, Nayjeeriya, New Zealand, Ruwaanda, Koonfurta suudan, Yugaandha iyo dalal kale oo aad u tiro badan, iyada oo loo aqoonsan yahay in ay tahay Afka dunida ka dhexeeya.

Afka Carabiga ayaa isaga waxaa si rasmi ah loogaga hadlaa dhammaan dalalka Carabta oo 20 dal ka badan iyo dalalka la ologga ah oo ay aad looga yaqaanno afkan sida Jabbuuti, Ereeteriya, Soomaaliya, Chad iyo dalal kale. Halka dalal kale oo dunida ka mid ah Carabigu aanu ahayn afka rasmiga ah balse looga aqoonsan yahay af maxalli ah, sida Ustareeliya, Kanada, Qubrus, Iiraan, Banama, Koonfurta Suudan iyo Tansaaniya.

Afafka kale ee warbixintu sheegtay in ay aad dunida ugu faafsan yihiin waxaa ka mid ah Faransiiska oo dalal aad u badan oo qaarad kasta ah lagaga hadlo, waxa kale oo la xusay afka Turkiga oo warbixintu ay sheegtay in marka laga tago Dalka Turkiga sidoo kale lagaga hadlo jamhuuriyadda Qubrusta woqooyi ee Turkiga, Asarbajaan iyo jamhuuriyado tiro badan oo ka tirsan Federaalka Ruushka iyo maamul-gobaleeddo hoos yimaadda dalka Shiinaha. Dalal kalana waxa uu Afturkigu ka yahay luuqad dad yari ku hadlaan laakiin loo aqoonsan yahay maxalli dalku leeyahay, waxa aana ka mid ah, dalalka Ustareeliya Bulgeeriya, Kosoofo, Roomaaniya, Masadooniya, iyo qayb ahaan Ciraaq, Afgaanistaan, Suuriya iyo Iiraan.