Deg-Deg: Farmaajo Oo Magacaabay Ra’isulwasaare

0
802

Madaxweynaha dalka  Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa Ra’isulwasaaraha dowladda Soomaliya u magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Mudane, Xasan ayaa waxaa uu sanado badan uu ka soo shaqeynayay bani’aadanimadda iyo dhinaca ganacsiga, waxaana uu yahay nin dhalinyara ah oo ku noolaa dalka Norway. Dhinaca kale waxaa uu mudo sanado ah uu lasoo shaqeynayay hey’adda NRC ee dalka Norway laga leeyahay.

Xasan Kheyre, waxaa mudooyinkii dambe uu ku noolaa dalka Ingiriis-ka, waxaana uu madax ka ahaa hey’adda Soma Oil and Gas.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa saaka u duulay dalka Sucuudiga, waana safarkii ugu horeeyay ee uu dibada ku baxo tan iyo markii la doortay.