250 Arday Oo Ka Qalin Jabiyey Qaybaha Kala Duwan Ee Kulliyada Caafimadka Shaafi Medical College

0
721

Picture1Hargeysa (Geeska) -Munaasibad shahaadooyin lagu gudoonsiinayey arday ka baxday Kulliyada caafimaadka ee Shaafi Medical College ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, gaar ahaan Hotel Crown, iyadoo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka socday wasaarada waxbarashada, bahda caafimaadka, waalidiinta iyo marti sharaf kale. Ugu horayn waxaa munaasinbaada ka hadlay maamulaha guud ee Kulliyada Shaafi Medical College Maxamed Xirsi Cali, waxaanu ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Kulliyadu “Kulliyadda Shaafi Waxaa la aas aasay Bishii September 2008, markii la arkay in baahi weyn loo qabo mihnadda ama xirfada caafimaad ee dhexe iyo Tasareba iyadoo xooga saaraysa waxbarashada caafimaadka ee aas aasiga ah iyadoo ku dabaqaysa casriga maanta taagan. Kulliyaddu iyadoo ku bilawday tiro kooban oo ardayda ilahadana ay ka baxeen tiro arday ah oo gaadhaysa 1,200 oo arday

Maamulka Kulliyada Shaafi Medical College Maxamed Xirsi Cali ayaa sidoo kale ka hadlay hadafka iyo qaybaha ay ka koobaan tahay Kulliyadoodu “

Haddafyada kulliyada

Inay kudadaasho sidii ay kor ugu qaadilahayd waxbarasha caafimaadka ee dhalinta da’da yar iyo ta dadka waaweyn.

In ay soo saarto arday ku taba baran aqoonta caafimaadka ee aas aasiga ah.

In ku dadaasho sidii ay kor ugu qaadi lahayd illaalinta caafimaadka bulshada.

In ay fursado u sameyso Dhalinta soo koraysa hadday noqoto dhinaca waxbarashda, shaqaaleysiinta iyo kutaba barida caafimaadka.

In ay ku dadaasho sidii ay  meesha uga saari lahayd jahliga caafimaad ee bulshada somaliland

In ay kulliyadu soo saarto Arday Professional ku ah dhamaan qaybaha kulliyadu bisho iyadoo u diyaarisay Qalabyada Practicalka sidoo kale fursado uga raadisa Cusbitaalada Dalka.

Inay kudadaasho sidii ay kor ugu qaadilahayd waxbarasha caafimaadka ee dhalinta da’da yar iyo ta dadka waaweyn.

In ay soo saarto arday ku taba baran aqoonta caafimaadka ee aas aasiga ah.In ku dadaasho sidii ay kor ugu  qaadi lahayd illaalinta caafimaadka bulshada.

Qaybaha kulliyadu

Department of  ClinicalNursing

Department of Pharmacist.

Department of Laboratory.

Department of Midwifery.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada Somaliland , isagoo Kulliyada Shaafi Medical College ku amaanay doorka ay ku leedahay horumarka dhanka adeegyada caafimaadka. Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay maamule ku xigeenka Kulliyada Cabdicasiis Haaruun Maxamed isagoo guud ahaan ardayda qalin jabisay u mahad celiyey, kuna amaanay dadaalka dheer ee ay soo sameeyeen mudadii ay ku soo jireen waxbarashada. Maamulka Kulliyada ayaa abaal marino kala duwan gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay guud ahaan imtixaankii laga qaaday ardayda.

Cabdilaahi Xassan Cabdi ayaa kaalinta koowaad u galay Kulliyada Shaafi guud ahaan, isaga oo kala qalin jabiyey Kulliyada Nursing-ka. Sidoo kale Kulliyada Clinical Nursing waxaa kaalinta koowaad u galay Mascuud Cabdicasiis Maxamuud. Qaybta Pharmacist waxaa kaalinta koowaad u gashay Ayaan Xuseen Cabdiraxmaan. Qaybta Laboratory-ga waxaa kaalinta koowaad gashay Rooda Aadan Diiriye. Qaybta Midwifery-ga waxaa kaalinta koowaad gashay Farduus C/qafaar Maxamuud.

Ugu dambayntii waxa xiiso gaara munaasibada ku lahaa qalinjabinta Hooyo Saynab Muxumed Ismaaciil iyo laba hablood oo ay dhashay, kuwaas oo ka ka mid ahaa boqolaalkii arday ee shahaadooyinka la gudoonsiiyey, iyagoo ka wada bartay Clinical Nursing. Hooyo Saynab Muxumed Ismaacil ayaa Kulliyada Shaafi Medical College dhigan jirtay wakhtiga ugu kulul, gaar ahaana xiliyada ay shaqada ka soo baxdo ee abaaro labada duhurnimo.