Cabdi I. Samatar Oo Layaab Ka Muujiyey Dagaalka Siyaasadeed Xamar Kaga Socda Dadka Somaliland Ka Soo Jeeda

0
602

USA (Geeska) – Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyannada reer Somaliland ee aaminsan Mabda’a Soomaali-weyn ayaa markii ugu horraysay Rejo-xumo ka muujiyey midnimo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya, taasi oo hore u aaminsanaa, balse wuxuu sheegay in hab-dhaqanka Dawladda Soomaaliya uu arrintaa khatar ku yahay.

Cabdi Ismaaciil Samatar oo lagu waraystay Dalka Maraykanka oo uu deggan yahay ayaa Tusaale u soo qaatay Khilaaf ku saabsan soo Xulidda Dadka Magaca Somaliland kaga qayb-galaya Doorashada Baarlamaanka oo dhex taagan Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdillaahi, kaasi oo gaadhay inay Warbaahinta isku adeegsadaan.

Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Toddobaadkii hore sheegay in Sharci ahaan uu Baarlamaanka hadda joogaa xaq u leeyahay inuu soo dhiso guddiga soo xulaysa Xubnaha Baarlamaanka ka qayb-galaya, balse taa waxa ka hor yimid Raysal-wasaare ku-xigeenka oo Somaliland ka soo jeeda.

Samatar oo arrimahaa daba socda ayaa yidhi  “Meeshan waxa ka socda Kufsi siyaasadeed, Qarankii Soomaaliyeed iyo Gobolkii Waqooyi (Somaliland) waalla kufsanayaa, waxa jira Dad Reer Waqooyi ah oo aan Xamar ka tagin illaa Burburkii oo uu Cabdi Xaashi ka mid yahay (Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya). Dadka Xamar deggan haddaad waydiiso Cabdi Xaashi, waxay ku odhanayaan Qof Daacad ah oo Dawladda ku jira Cabdi baa kow ka ah, Cabdina waalla dhegaysan la’yahay, halka Raysal-wasaaruhu ka soo qorayo (Raysal-wasaare ku-xigeenku) inuu Cabdi qoro ayay ahayd (Xildhibaannada Somaliland ka soo jeeda ee Baarlamaanka gelaya ayay ahayd), waxay ahayd in la yidhaahdo Cabdiyoow Dadka Waqooyi ka soo jeeda ee la soo doortay adigaa ugu sarreeya ee ka tali, laakiin in isaga Warqad loo keeno oo la yidhaahdo waad ku tolan tahay (Khasban tahay) Tan (Waa khalad).”

Prof. Samatar waxa kale oo uu sheegay “Reer Waqooyi hoos baa la isaga wada dhigayaa, waxa loo yeedhanayaa Dad kale oo la carbistay, kii hadal karayana waalla xoogayaa, markaa Dantii Waqooyi Xamar baa lagu kufsanayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Milletarigii baa na gumaaday, Maantana Lacag iyo Xoog baa la nagu gumaadayaa, markaa waxaan la qabaa inay ka hor-yimaaddaan oo ay yidhaahdaan waxani Midnimada iyo Islaamnimada ma qaban karayaan..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office