20 Shay Oo Haddii Aad Samayso Marka Aad 30 Jir Tahay, Noloshaada Wanaajin Doona Marka Aad 50 Gaadho (Q:2)

0
563

Picture8Hargeysa (Geeska)- Waa Qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika soo turjumay ee qoraaga lagu magacaabo Beth Buczynski kaga waramayey arrimo ay fiican tahay in uu qofku qabto inta aanu 50 jir gaadhin. Qoraagu waxa uu jilayaa xaaladda dad markii ay 30 jir ahaayeen samayn jiray arrimahan uu ka digayo oo uu soo waraystay iyaga oo hadda markii ay 50 iyo ka weyn gaadheen aad u qoomamaynaya.

4. Haddii aad 30 jir gaadhay iska jir in ay qorraxdu kugu dhacdo adiga oo aan marsan kiriimada ama walxaha kale ee qorraxda fallaadhaheeda jidhka ka ilaaliya: “Doqon baa aan ahaa, taladii la i siinayey waa aan dhegeysan waayey. Ma waxa aad doonaysayaa in jidhku ku yeesho jactad iyo baro cad, iyo in qorraxdu ay ka dhigto jidh khafiif ah oo aan difaac xooggan lahayn, sida anigaba igu dhacday. Mase diyaar u tahay in uu boogo yeesho ama midabkiisa dabiiciga ahi tago. Haddii aad sidaas rabto, waa hagaag eek u soco, oo qorraxda fallaadhaheeda u ogolow in ay jidhkaaga ku dhacdo”

5. Jimicsiga joogtee: Mar haddii aad soddon jir gaadhay, samayso hab-nololeed firfircoon, si marka aad 50 jir gaadho aanad u noqon ruux aan dhaq-dhaqaaq iyo xarakaad ku jirin. “Iska jir in miisaankaagu kordho, jimicsi same, kuna dadaal in miisaankaagu aanu dhaafin xadka ku habboon jidhkaaga”

Picture96. Bilow in aad lacag dhigato, xitaa haddii aad dhigayso lacag aad u yar: “Lacag ururso. Waa aan ogahay in lacag dhigashadu ay dhib badan tahay, naftana wax badan oo ay jeceshay ka xakamaynayso, laakiin haddana waa lama huraan” Marka aad 30naadka gasho, celcelis ahaan dadka dakhliga soo gala waa mid noloshiisa uun le’eg, laakiin naftaada ku tababar dabeecadda ah in ay lacag kaydsato. In aad hadda lacag urursataa waxa ay kuu fududaynaysaa in marka ay da’daadu 50 gaadho ee wax-soo-saarkaagu yaraado aanu hoos u dhicin hab-nololeedkaagii soddon jirku.

7. Naftaada bar in waxa ay duruufteeda runta ah u hoggaansanto: Qof kastaa waxa uu jecel yahay in noloshiisu farxad u ahaato, laakiin in badan ayaa aan aqoonin tubta saxda ah ee ay farxaddaas u mari karaan ama si qaldan u fahamsan farxaddaas gaadhisteeda. Haddii aad hayntaada runta ah u hoggaansanto, noloshaadana aad waafajiso hadba dakhligaaga, waxaa laga yaabaa in aanad sida maalqabeenka u noolaan, laakiin waxaa hubaal ah in aad ku noolaanayso farxad mararka qaarkood ka badan ta maalqabeenka.