Danjire Qaybe: Ruug-caddaagii Diblomaasiyadda Soomaaliyeed (Q2aad)

0
1186

Picture2Si aanay taariikhdu u lumin qof kasta oo qalin iyo warqad isu qaata oo damca taariikhdii uu soo maray in uu wax ka qoro, isaga ayaa ka mas’uul ah wixii dhalliilo qoraalkiisa ku soo baxa. Sidaa daraaddeed, waa in uu qofka wax qorayaa iska ilaaliyaa, inta ay xusuustiisu gaadhsiiso, wixii dib ugu soo noqon doona. Qoraalkaygan kor-ka-xaadiska ahi, aragtidaas  lagama-maarmaanka ah ayuu ku salaysan yahay.’

Xigasho, ballaysinka Buuggiisa

Danjire Axmed Maxamed Aadan, Qaybe,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada: 2aad

“Waxaan shaqo ka bilaabay Xafiiskii Maamulka Degmada Hargeysa (District Commiosner Office) amaba xafiiska D.C-ga (Dhiisiiga) oo maanta daarta Maxakamadda Gobolka ah. Waxa laygu magacaabay District Clerk oo derejo sare waqtigaas ahayd. Muddadii aan xafiiskaas hayay dhacdooyin badan ayaa i soo maray.”

Halkaa aan ku yar joogsanno. Malaha waxaad doonayseenba in aan idiin sii wado oo uu dhacdooyinkaa idiin ka sheekeeyo. Waa qaar la yaab leh oo aad u xiiso badan, bal se waxaad ka daalacan kartaan Buugga Danjire Qaybe iyo Caalamka oo uu xusuustiisii hodanka ahayd kaga tegay.

Sannadku markii uu ahaa 1956kii, Qaybe waxa loo beddelay magaalada Berbera oo uu ka noqday Xoghayaha Fulinta (Executive Officer) ee Dawladda Hoose. Halkaas ayay markii ugu horreysay isku baranayaan Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo xilligaa ka tirsanaa Golihii Degaanka ee Berbera.

Qaybe isaga oo ka shaqaynayay magaalada Berbera ayaa waxa u soo baxay Deeq waxbarasho oo uu ku tegay dalka Ingiriiska. Isaga oo Deeqdaa Waxbarasho ka hadlayana wuxu qoray:

 “Bishii Sebtember 1956kii ayaanu Hargeysa ka dhoofnay aniga iyo Cismaan Axmed Xassan (Cisman-indhoole) ama Cisman Caammiye oo deeqdaas wax-barasho ila wadaagay. London ayaanu dhowr maalmood ku hakannay, ka dibna waxaanu u gudubnay magaalada Edinburgh, caasimadda Scotland. Waxaanu ku biirnay Jaamacadda Edinburgh, qaybteeda maamulka dawladaha hoose laga barto.

Edinburgh waxaa nooga sii horreeyay Cali Sheikh Ibrahim (Cali Qaaddi) oo isla Jamacadaas kulliyaddeeda caafimaadka (dhakhatnimada) wax ka baranayay. Guri (apartment) oo ay lahayd islaan la odhan jiray Miss Love, ayaanu saddexdayadii wada kiraysanay si aanu isugu biil gaabsanno. Sida hillaaca ayuu nagu dhaafay sannadkii aanu Edinburgh joognay. Ka dib aniga iyo Cisman Axmed ayaa u wareegnay Jaamacadda qadiimka ah ee Oxford. Laba sannadood ayaanu Jaamacadaas ka baranaynay Public and Social Administration, Anigu waxaan ku biiray Baliol College. 1959kii dabayaqadiisii ayaanu Hargeysa ku soo noqonnay. Cismaan Axmed waxa lagu magaacay D.C-ga Ceerigaabo, aniguna waxaan la wareegay shaqadii Xoghayaha Golihii Shacabka ee Somaliland. Waxa kale oo aan Xoghaye u noqday Guddidii Dallacaadda iyo wax-barashada dibadda. (Promotion and Training Board). Jeeniweri 1960kii, ayaan London ku noqday si aan Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Ingriiska (Parliamentary Procdure) u soo barto.”

Dhankaa dhan dheh. Inta ka dib waxa samaysantay Jamhuuriyaddii Soomaaliya markii la isku daray gobolladii Woqooyi iyo kuwii Koonfureed. Markii Xamar la tegay Mudane Qaybe waqti gaaban ka dib ayuu ka mid noqday 7 safiir ama Danjirayaashii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya dibadaha u magacowdo, bishii Jeeniweri 1961kii, kuwaas oo kala ahaa:

1.Xasan Nuur Cilmi: Qarammada Midoobay,

2.Cumar Macalim: Washington,

3.Axmed Maxamed Adan (Qaybe): Moscow,

4.Maxamud Cabdi Carraale: London,

5.Maxamed Sheekh Xasan: Roma,

6.Cabdiraxim Caabi Farax: Addis-Abeba,

7.Cali Xussen Gurrac: Qaahira,

Bishii Juulay 25dii, 1960kiina waxa lagu dhawaaqay xukuumaddii ugu horreysay ee ay yeelato Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo u dhisnayd sidan hoos ku qoran sida aanu ka soo xigannay Buugga hodanka ah ee Danjire Qaybe uga tegay da’yarta Soomaaliyeed ee u oomman taariikhdooda.

Xukuumaddii Soomaaliya ee ugu horreysay:

1.Cabdirashiid Cali Sharmaarke….. Ra’iisal Wasaare,

2.Cabdi Xassan Buuni…… R/Wasaare ku-xigeen,

3.Axmed Xaaji Ducaale…….Wasiirka Beeraha,

4.Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal….Wasiirka Gaashaan-dhigga,

5.Cali Garaad Jaamac………Wasiirka Tacliinta,

6.Cabdilqaadir Maxamed Aadan Soobbe)…Wasiirka Maaliyadda.

7.Cabdillaahi Ciise Maxamuud…..Wasiirka Arrimaha Dibedda, La Soco

 

 

 

 Caafimaadka iyo Shaqaalaha,

9.Sheekh Cabdulle Maxamuud……Wasiirka wershedaha iyo Ganacsiga,

10.Cali Maxamed Hiraabe….Wasiirka Warfaafinta,

11.Cabdirisaaq Xaaji Xuseen….Wasiirka Arrimaha Gudaha,

12. Maxamuud Axmed Maxamed….Wasiirka Caddaaladda,

Wasiir-ku-xigeennadii:

Maxamed Sheekh Daahir: Wasiir-ku-xigeenka Gaashaan-digga,

Maxamed Cali Dacar: Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda,

Maxamad Isaaq Salaad: Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha,

Maxamd Cali: Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada,

Xuseen Cumar Xasan: Wasiir-ku-xigeenka Beeraha,

Danjire Qaybe wuxu safiir u ahaa soomaaliya 1961kii ilaa 1985kii. Wuxu safiir ka noqday afar magaalo oo keliya kuwaas oo kala ahaa: Moscow laba jeer, London, New York iyo Washington. Sannadkii 1985kii ayuu dib ugusoo noqday Soomaaliya isaga oo Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ka noqday Xoghayaha Joogtada ah. 1990kii, waxa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Dhowr sannadood ayuu dibadaha wareegayay, ka dibna 1997kii ayuu Somaliland soo degay. Waxa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, intii ka dambeysayna, wuxu La-taliye u ahaa Madaxweyne iyo Madaxweyne Siilaanyo. Sidaas ayuu noloshiisa intii ugu dambeysay Hargeysa ugu qaatay.

Qaybe, isaga oo ka hadlayay noloshaa la yaabka lahayd ee uu soo maray iyo sidii uu uga adkaystay in hamti ka helo wuxu qoray:

“In kasta oo noloshayda intii badnayd shaqo wanaagsan aan hayn jiray oo shan iyo labaatan sannadood aan Safiir ahaa, intii dawladdii Soomaaliya aanay burburinna shan sannadood waxaan ahaa Xoghayihii Joogtada ahaa ee Wasaaraddii Arrimaha Dibedda; lix biloodna waxaan ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda. Haddana weligay kuma fekerin in aan xoola dhaqdo. Geel iyo adhi maan iibsan. Berkedana ma aan samaysan. Sida oo kale iskuma deyin in aan lacag badan yeesho in kasta oo ay fursado badani I soo mareen.”

Bal hadda immikana aan u leexanno xaggaa iyo Buugga uu ka tegay ee dhaxalka oo aan idiin soo raro Hordhaca si aad u yar dhadhansataan.

Hordhaca Buugga Danjire Qaybe iyo Caalamka

Waa Buug kooban oo hodan ah. Waa waayo-aragnimadii diblomaasiyadeed iyo nololeed ee Danjire Axmed Maxamed Aadan oo loo yaqaanno Qaybe. 1960-kii ilaa 1985-kii Soomaaliya ayuu Safiir uga ahaan jiray: Moscow, London, Washington iyo New York. Waxa xusid gaar ah mudan in uu Danjire Qaybe laba jeer Safiir ka noqday magaalada Moscow. Muddo ku siman shan sannadood ahna wuxu ahaa Xoghayihii Joogtada ahaa ee Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee Dimuqraaddiga ahayd. Bishii Sebtember 1989-kii waxa loo magacaabay Wasiirkii Arrimaha Dibadda oo uu muddo gaaban hayay oo ku sinnayd intii ay dawladdii Soomaaliya burburaysay..

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)