17 Dugsiga Sare Dhigta Oo Aasaasay Shabakadda Ugu Muhiimsan Ee Lagala Socdo Xogta Coronavirus Ka

0
673

Wiil dugsiga sare dhigta oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa ku guulaystay in uu curiyo shabakad internet ka ah oo la socota tirakoobyada ugu dambeeya iyo xogaha cusub ee hadba ka soo baxa xaaladda uu xanuunka COVID-19 ka marayo adduunka.

Avi Schiffmann oo 17 sano jir ah ayaa bishii Diisambar 2019 kii hal abuuray boggan oo sida uu wargeyska ‘The Telegraph’ ku warramayo awood u leh in iskii iyada oo aan dib loogu qorin (Automatic) u ururiyo xogaha iyo tirakoobyada la xidhiidha Fayraska Corona ee lagu kaydiyo shabakadaha hay’adda caafimaadka adduunka iyo hay’adaha caafimaadka ee dalalka kala duwan ee adduunka, iyada oo daqiiqad kasta uu dib isu cusboonaysiinayo, halka inta badan ee bogagga kale ee xogta ‘Coronavirus’ laga eegaa ay yihiin kuwo maalintii dhowr jeer uun is cusboonaysiiya.

Arrinta xiisaha gaarka ah arrintan u yeeshay ayaa ah in wiilka sameeyey shabakaddani aanu waxbarasho ahaan si toos ah u dhigan, marka laga tago in uu toban sano ka hor daawaday Fiidyow dadka lagu barayo samaynta shabakadaha oo ku jiray barta Yuotube ka. Tan io markii uu daawaday casharadaasna waxa uu sameeyey qiyaas 30 shabakadood (Website) ah.

Mar la weydiiyey sababta ku dhiirrigelisay samaynta shabakadda tirakoobka Coronavirus kana waxa uu sheegay in uu arkay shabakadda xukuumadda Maraykanku xogta caafimaadka ku faafiso oo si lagu jaahwareerayo u qoraysa natiijada, sida oo kalana shabakadda hay’adda caafimaadka adduunku aanay ahayn mid xogta hadba cusub dabagelaysa. Sidaas awgeed uu go’aansaday in uu abuuro shabakad awood u leh in ay xogta daqiiqad kasta soo dhacda la socoto, isla markaana si fudud oo la fahmi karo u soo bandhigaysa.

Waxa uu sheegay in 2-dii bishii Abriil dadka booqda shabakaddan ay tiradoodu maraysay 250 Milyan oo qof, isaga oo rajaynaya in ay dhowaan gaadhi doonto hal bilyan oo qof oo boqolkiiba 50 ka mid ahi ay yihiin Maraykanka gudihiisa.

Avi Schiffmann waxa uu sheegay in maalinkasta ay ku soo dhacaan celcelis ahaan laba kun oo farriimood oo ay khubaro kala duwani ku siinayaan mahadnaq, soo jeedin iyo talooyin. fikradaha dadka kaga yimi ee uu qaatayna ay ka mid tahay in bilowgii ay dad badani u sheegeen in xogta uu soo bandhigaa ay dhanka xun uun wax ka eegayso, oo dadka ka nixinayso, maadaama oo uu soo bandhigayo tirada dadka uu ku dhacay iyo dadka u dhintay, isaga oo arrintaas ka jawaabayana waxa uu soo kordhiyey tirada dadka ka bogsaday.

Shabakadda oo cinwaankeedu yahay, www.nCoV2019.live waxaa laga heli karaa wadarta dadka uu COVID-19 ku dhacay dal kasta, dadka u dhintay, iyo tiradada dadka ka bogsaday. Waxa kale oo uu leeyahay qayb ay ku jiraan xogo faa’iido leh oo la xidhiidha Fayraska; waxa uu Fayrasku yahay, calaamadihiisa iyo sida la isaga ilaalin karo.

Wiilkan yar ee Avi Schiffmann waxa uu hadda qorshaynayaa in uu shabakaddiisa ku soo daro xogaha la xidhiidha raadinta iyo helitaanka dawada iyo tallaaka xanuunka COVID-19, iyo xogo la xidhiidha da’da dadka u dhintay xanuunkan dal kasta iyo isbarbardhigga xanuunkan iyo xanuunnada kale.

Avi Schiffmann waxaa aad loogu ammaanay il dheeraantiisa geyeysiisay in uu shabakaddan diyaariyo xilli hore oo aan xitaa lagu baraarugin in xanuunkani uu ka soo gudbay China ama dunida ku faafi doono.