Arwo Al-Qayruwaaniya: Gabadhii Ugu Horreysay Islaamka Ee Odaygeeda Ku Sandulleysay In Aanu La Guursan (1)

0
649

Sida ay ku warrantay shabakadda wararka ee Arabic Post taariikhyahan lagu magacaabo Dr. Ibraahiim Shabuux oo u dhashay dalka Tuuniisiya ayaa dhowaan Rugta Kutubta qaranka ee dalkaas u hadyadeeyey dhukumanti dhif ah. Dhukumantigani waa heshiis meher oo ‘Saan’ ku qoran, kaas oo u dhexeeyey dhexmaray ganacsade lagu magacaabi jiray Muxamed Bin Qaasi Al-Calaani iyo gabadh lagu magacaabo Xaliima Cadaa’allaah.

Warqaddani ma’aha shahaadadii caddaynta meherka lammaanahan, balse waa heshiis ku lammaanaa meherkaas oo ay lammaanahani galeen. Qodobbada uu dhigayeyna waxaa ka mid ah in ninkani uu gabadha u ballanqaaday in aanu xaas kale la guursan doonin. Waxa aanay taariikhyahannada dhukumantigan arkay ku magacaabeen ‘Meherkii Qayruwaaniya’.

Haddaba maxay ahayd qisada Arwa?

Arwa oo magaceeda labaad laga dhigay magaca degmada Qayrawaan ee dalka Tuuniisiya, waxaa dhalay Mansuur Bin Yasiid Al-xumayri oo ahaa ganacsade caan ah oo asalkiisu ka soo jeeday dalka Yemen, laakiin deegaan rasmi ah ka noqday Qayruwaan, kaddib markii uu dalka Tuuniisiya u haajiray.

Abu Jacfar Almansuur oo noqon doona hoggaamiyihii labaad ee dawladdii Cabbaasiyiinta, laguna tiriyo in uu yahay aasaasihii dawladdaas ayaa bilowgii dhaqdhaqaaq siyaasi ah oo lagaga soo horjeeday dawladdii Umawiyiinta isaga oo da’ yar waxa uu qarnigii labaad ee taariikhda hijriyada u baxsaday magaalada Qayruwaan ee dalka Tuuniisiya, waxa aanu si qarsoodi ah ugu degey Mansuur bin Yasiid Al-Xumayri oo qaraabonimo fogi ka dhexeysay. Waxa uu ka cabsi qabay in ay aragto dawladdii Umawiyiinta oo si gaar ah isha ugu haysay guud ahaan qoyskaasi, si aanay ugu fikirin in ay dib u soo nooleeyaan dawladdooda.

Ganacsade Masnuur waxa uu dhalay gabadh aad u qurux badan oo dadku maskax badnaan iyo fariidnimo ku yaqaanneen. Muddadii uu Abu Jacfar martida ku ahaa guriga ganacsadaha ayaa uu jeclaaday gabadhan waxa aanu aabaheed ka codsaday in loo guuriyo.

Arwa markii aabaheed u sheegay in ninkan martida u ahi uu doonayo waxa ay u sheegtay in ay ogoshahay guurkaas, laakiin ay ku xidhayso hal shardi oo raad riiq dheeraaday ka tegey.

Waxa ay dalbatay in Jacfar aanu weligii gabadh labaad la guursan, iyo in sidii hoggaamiyeyaashii xilligaas lagu yaqaannay aanu samaysan dumar addoomo ah oo uu sida xaaskiisa ula macaamilo. Qodobkaasi waxa uu dhigayey haddii uu Abu Jacfar shardigaas buriyo in ay ka dhalanayso in Arwa ay xor u tahay in ay iska furto iyo in ay la sii joogto. La soco…