Dadka Reer Hargeysa Oo Iska Dhego-Marinaya Wacyi-Gelinta Loogaga Digayo Khatarta Xanuunka Covid_19

0
557

Hargeysa (Geeska) – Meelo ka mid ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa la sudhay Makarafoono waaweyn.

Makarafoonnada ay oo ay sudheen Guddiga ka hor-tagga Xanuunka Covid_19 ee dunida aadka ugu faafaya ayaa waxa Maalin iyo habeenba ka socda Wacyi-gelin Dadweynaha loogaga digayo inay isku soo dhawadaan, Suuqyadana maraan iyagoon gashanayn Af-saabka iyo Golofiska Gacmaha si ay uga taxadaraan Xanuunka Covid_19.

Sidoo kale, waxa Jidadka Hal-bowlaha ah ee Caasimadda qaarkood la sudhay Boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin Kalmado ay ka mid yihiin ‘Kala fogaada’.

Laakiin, Shacabka Reer Somaliland, gaar ahaan Shacabka Caasimadda qaarkood ayaan Wacyi-gelintaasi dheg-jalaq u siinin isla-markaana sii wada isku imaanshiyaha iyo kulamada aan macnaha badan lahayn, taasi oo khatar ku ah Caafimaadka Bulshada guud ahaan.

Wargeyska Geeska Afrika oo u guur-galaya Xaaladda suuqyada Hargeysa iyo siday Mashquulka u yihiin iyo bal in Dadweynuhu isku dayayaan inay kala durkaan, ayaa ogaaday in weli Dadweynaha ka dhaadhicin wacyi-gelinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga ka hor-tagga Covid_19 ay wadaan, waxaana taa sii dheer dood ka dhex taagan Dadka gashada Af-saabka iyo Gacmo-gashiga iyo Dadka aan labadaa Midna Xidhan.

Wargeyska ayaa la kulmay Tobannaan Rag ah oo Shax ku hoos Ciyaaraha Boodhadhka ay ku xardhan yihiin Wacyi-gelinta Xanuunka Covid_19.

10-kii qof ee Dadkaa ka mid ah mid baa xidhan Af-saab (Facemask), taasi oo muujinaysa khatarta jirta.

Hab-dhaqanka Shacabka reer Somaliland ayaa u muuqda mid lid ku ah Wacy-gelinta Bahda Caafimaadka ee ka digaya Cudurka Covid_19, maaddaama oo Soomaalidu tahay Dad ku nool Sheekooyin ‘maxaa la yidhi ah’.

Dadka Suuqyada isugu yimaadda ayaa qaarkood Wargeyska u sheegeen in aanay guryaha fadhiyi Karin oo ay doonayaan inay Asxaabtooda la soo sheekaystaan, taasi qayb ka ah khatartaha xilligan jira, maaddaama oo isku imaanshiyuhu yahay waxyaabaha fududaynaya in xanuunku faafo, wallow ay jiraan Dad badan oo suuqyada u soo gala inay helaan waxay kula noqdaan Qoysaskooda.