Washington (Geeska)- Qormadan maanta waxa uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo gudbinaya magacyada tobanka dal ee dunida maanta ugu waxbarashada badan iyo xaddiga lacageed ee ay dadka dalalkaas ku bixiyaan barashada cilmiga. Qoraal uu Geeska Afrika soo turjumay oo ay baahisay mu’asasadda 7/24 Wall Street ee ka shaqaysa tiro-koobyada iyo sahaminta caalamiga ah ayaa lagu sheegay in mar dhinaca warbaxashada dunida la qiimeeyey lagu ogaaday liiska tobanka wadan ee dadkoodu ugu badan yihiin dhinaca haysashada shahaadooyinka ugu sarreeya waxbarahsada iyo dhaqaalaha uu ardaygu ku bixiyo waxbarashada. Haddaba dalalkaas oo aynu ka soo bilaabayno hoos, waxa ay kala yihiiin sidan:
10. Ireland: Boqolkiiba 39.7 dadka reer Ireland waxa ay haystaan shahoodooyin waxbarasho oo sare, dhaqaalaha ardaygu uu ku bixiyo waxbarashada sare ee lacagta oo keliya oo wadartiisu ay tahay: Lix iyo Toban kun iyo Sagaashan iyo Shan Doolar ($ 16’095).
9. New Zealand: Dalka New Zealand ayaa tiro-koobkani muujiyey in dadkiisu ay boqolkiiba 40.6 haystaan shahaado sare oo aqooneed. Dhinaca kalana waxa uu tiro-koobkani muujiyey in ardayda dalkaas ee waxbarashada sare doonayaa ay bixiyaan lacag dhan, toban Kun, Shan boqol iyo siddeetan iyo laba doolar ($ 1’0581)
8. Ingiriiska: Tiro koobkani waxa uu ka marag kacay in dalka boqortooyada Ingiriisku uu yahay kan Siddeedaad ee dadkiisu ay ugu waxbarashada sarreeyaan dunida, waxaana heer jaamacadeed gaadhay dad lagu qiyaasay boqolkiiba 41 dadka dalkaas. Marka aynu dhinaca dhaqaalaha ku baxaya waxbarashadad ka eegnana waxa uu tiro-koobkani daahfuray in arday kastaa uu waxbarashada sare ee dalka Ingiriiska ku dhamaysto lacag u dhiganta Afar iyo Toban Kun, Laba boqol iyo labaatan iyo laba. ($ 14’222)
7. Australia: Dadka dalka Australia boqolkiiba 41.3 (41.3%) waxa ay haystaan shahaadooyin waxbarasho oo heer jaamacadeed ah, waxaana arday kasta waxbarashada sare kaga baxda lacag dhan; Lix iyo Toban kun, Laba boqol iyo Lixdan iyo toddoba ($ 16’ 267).
6. Kuuriyada Koonfureed: Sahamintan ay samaysay hayadda 7/24 wall streed waxa kale oo lagu ogaaday in dad gaadhaya boqolkiiba 41.7 oo muwaadiniinta dalkaas ahi ay leeyihiin waxbarasho sare, iyada oo halka arday ee doonaya in uu waxbarashadaa sare sameeyaana u baahanayo lacag dhan Sagaal kun Sagaal Boqol iyo Labaatan iyo Lix doolarka Maraykanka ah, ($ 9’926).
5. Maraykanka: Dalka Maraykanka ayaa ay sahamintani ka dhigtay kan shanaad ee dunida oo dhan dadkiisu ugu haysashada badan yihiin shahaadooyinka waxbarashada sare waxa aanay ku tilmaamtay in ay yihiin boqolkiiba 43.1. dhinaca lacagta marka laga eegana waxa ay warbixintani sheegtay in ardayga dalka Maraykan u dhashay ee doonaya in uu waxbarashada sare dhamaysto uu u baahanayo lacag dhan Lix iyo Labaatan kun iyo Kow iyo Labaatan doolar ($ 26’021).
4. Israa’iil: Sahamintan 7/24 Wall Streed ee dalka Maraykanka waxa lagu sheegay in boqolkiiba 46.4 dadka ku nool Israa’iil ay leeyihiin waxbarasho heerkeedu sarreeyo, iyada oo ardayga waxbarashada sare doonayana laga qaado lacag dhan Kow iyo Toban Kun, Shan Boqol iyo Konton iyo Saddex doolar ($ 11’553).
3. Jabaan: Boqolkiiba 46.6 muwaadiniinta dalka Japan ah ayaa haysta shahaadooyinka sare ee heer jaamacadeed, lacagta ardayga keliya kaga baxdo waxbarashada sare ayaa sahamintan lagu ogaaday in ay tahay Lix iyo Toban Kun, Afar boqol iyo Afartan iyo Shan doolar ($ 16’445).
2. Kanada: Dalka Kanada ee woqooyiga Ameerika dadkiisa boqolkiiba 52.6 ayaa dhammaystay waxbarashada sare ee jaamacadda, marka dib loo xisaabiyo arday kastaa lacagta uu ku bixiyey tacliinta sare waxaa soo baxaysa in arday kastaa bixiyey Saddex iyo Lanbaatan kun, Laba boqol iyo Labaatan iyo Shan doolar ($ 23’225).
1. Ruushka: Waxaa dad badan u qaadan waa ku noqotay markii ay daraasaddani sheegtay in sahamintii la sameeyey ay ka soo baxday in dadka dalka Ruushku ay kaalinta koowaad kaga jiraan liiska dalalka muwaadiniinta ugu badani ay haystaan shahaadooyinka heer jaamacadeed. Waxa ay sahamintu sheegtay in boqolkiiba 53.5 (Saddex iyo Konton iyo badh) dadka dalkaasi ay leeyihiin waxbarasho sare, laakiin waxaa muuqata in waxbarashadaasi ay ka qaalisan tahay sagaalka dal ee hore, taas oo ah in arday kasta looga baahan yahay Toddoba kun Afar boqol iyo Labaatan iyo Afar ($ 7’424).