Musharax Caddeeyey Inuu U Meteli Doona Gobolka Togdheer Iyo Dadkiisa Golaha Wakiilada

0
407

Picture1Hargeysa (Geeska)- Barkhad Cabdi Shaybe ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay musharax u taagan inuu u metelo danaha gobolka Togdheer iyo dadkiisa gollaha Wakiilada, kana qebgalo doorashada la filayo sannadka dambe. Musharax Barkhad Cabdi Sheybe ayaa sheegay in ka sokow u tartankiisa golaha wakiilada ee doorashada soo socota, hadii ilaah ku guuleeyo xilkaa uu sidoo kale diyaar u yahay jagada Gudoomiyaha baarlamaanka inuu qabto, si jiilka dhalinyaradu u xaqiijiyaan ka qeybgalkooda dhamaytiran ee siyaasada dalkooda. Musharaxan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay fulinta ballanqaadka uu la geli doono guud ahaan taageerayaashiisa iyo bulshada gobolka Togdheer, isla markaana noqon doono mid danahooda dhinac walba kaga ilaaliya golaha wakiilada dhexdiisa, insha alaah.

Ugu dambayn Musharax Barkhad sheybe ayaa u soo jeediyey guud ahaan dadkiisa iyo bulshada gobolka Togdheer inay taageeradooda isla garabtaagaan, si uu ugu midho-dhaliyo hadafka uu hiigsanayo ee wax-u-qabashada dadkiisa iyo dalkiisa, haduu kheyr ugu jiro isaga iyo bulshada xilkaa baarlamaankuna ilaahay ku guuleeyo.