Xog Muhiim Ah Oo La Xidhiidha Abuurka Iyo Shaqada Maskaxda Aadamaha

0
626

Hargeysa (Geeska)- Guud ahaanba abuurka aadamuhu waxa uu ka mid yahay mucjisooyinka Alle ee u fiirsigoodu uu yahay dersi aynu ka fahmi karno awooddiisa aanay cidi malayn karin iyo sida uu basharka uga fadilay abuurtiisa kale ee tirada badan. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa xogo la xidhiidha maskaxda oo marka jidhka la sii kala qaado noqonaysa qaybta ugu mucjisada badan abuurka aadamaha:

– Maskaxda aadamaha miisaankeedu waa 1.4Kg.

– Maskaxdu boqolkiiba 75 waa biyo, boqolkiiba 10 waa dufan, boqolkiiba 8 ay ka tahay Barootiinno.

– Marka la eego miisaanka maskaxda ee aynu kor ku soo sheegnay, qiyaas ahaan waxa ay miisaanka guud ee qofka ka noqotaa boqolkiiba 2.5 (Laba iyo Badh) keliya, laakiin haddana waxa ay kelideed isticmaashaa boqolkiiba 20 ka mid ah tamarta guud ee qofka.

– Maskaxda aadamuhu waxa ay korniinka joojisaa marka ay da’diisu gaadho 18 sano jir.