“Waxaynu Yeelanay Moorgano Iyo Ina Saleban-Daflayaal”

11
2405

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa meesha ka saaray inuu Madaxweyne Siilaanyo dalka ka taliyo, waxaanu sheegay in xubno qoyskiisa ahi ay taladii la wareegeen.

Md. Faysal, oo habeen hore uu telefishanka Universal baahiyay waraysi dheer oo uu weriye Cabdisalaan Hereri, la yeeshay, wuxuu si adag ugu dhaliilay xukuumadda. “Anagu waxaanu qabnaa inaanu madaxweynuu awoodii gacanta ku haynin dalkan sida uu isugu dhex yaacsan yahay aanay ka muuqan in Siilaanyo oo nin siyaasiya ahaa, mucarad ahaan jiray kama muuqato taladii,taladii waxa ka muuqda dad kale ayaa gacanta ku haya oo xumaynaaya,taasi waxa ay keentay in musuqmaasuqii uu bato qofba waxa uu doono sameeyo,qabyaaladii  badato,is’aaminaadii baabado.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Weriyaha ayaa Faysal weydiiyay bal inuu sheego dadka uu ku doodayo inay taladii la wareegeen, waxaanu Faysal yidhi,  “waxa gacanta xukunkii ku haya dad ehel ah wasiirka madaxtooyada oo kale, magacyaa soo baxay oo waxaynu yeelanay Moorgano iyo  Ina Saleebaan Dafle-yaal ayaa soo baxay,waxii maalmahii u danbaysay uu Maxamed Siyad Bare uu jabayay,inta gabay ee intuu xilka Siyaad Bare hayay  loo tiriyay iyo intii uu Siilaanyo hayay inta loo tiriyay way isleeg yahiin,haddaad aragtayna dadkeenu waxay wax ku cabiraan gabayada,markaas waa la ogyahay maalintii dhawayd ee baarlamaanku uu u yeedhay wasiirada wasiir kastaa waxa uu ka hadlay intii isaga qaabilsanayd, wasiirka madaxtooyadu khudbadii madaxweynaha ayuu ka hadlay wax kasta waa uu taabtay,waxa kale oo aan ku tusayaa inta haayadood ee lacageed ee hoostimaada, Siilaanyo markaanu mucaaradka ahayn maareeyaha dekeda Ina Xoor Xoor waxa uu ahaa nin aad iyo aad u canaanta hadana waa wiilkii qaaliga ahaa,anigu waan ka xishoon jiray ninkaas maadaama oo uu shaqaale ahaa,Siilaanyo waxa uu odhan jiray hadaan dalka qabto lacagta dekedu waxa ay tagaysaa miisaaniyada,hadda waxay tagtaa madaxtooyada  tii Maxjarka,tii haamaha,haayadii wadooytinka,laabdii doolar ee horumarinta bariga meeshii ay lacagi taalaba madaxtooyada ayaa la hor keenay.”

Comments are closed.