Jaamac-Shabeel Oo Sheegay In Maalmaha Socda Ay Ku Dhawaaqayaan Gudiga Qaban-qaabada Shirweynaha KULMIYE

1
691

Picture6Hargeysa(Geeska)-Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel),ayaa daboolka ka qaaday inay maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonaan gudidii qaban qaabin  lahayd shir weynahii xisbiga Kulmiye,isla markaasna ay qabsan doonaan shirweyne ay ka soo xaadirayaan ku dhawaad kun xubnood.

Sida oo kale gudoomiye Jaamac Shabeel waxa uu beeniyay warar sheegayay in loo magacaabayo xeer ilaaliyaha guud,isaga oo sheegay in aanu xilkaas doonan madaxweynuuna u garan.

Waxa uu sidan u sheegay gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye waraysi  uu siiyay wargeyska Geeska Afrika iyo tilifishanka HCTV,waxaanu ugu horayntii isaga oo ka hadlaayay  shirweynahii xisbiga Kulmiye waxa uu yidhi “Hawshu meel  fiican ayay maraysaa bishan 15-keeda gudidu way naga soo baxaysaa si waaagsana waa ay u socotaan,wakhtiga ugu danbayn nalaga rabo gudidaasi inay soo baxdaana waa 24-ka bishan aynu ku jirno,shir weynahani marka uu qabsoomo waxa uu dib u dooranayaa golahii dhexe, shirka golaha dhexena waxa uu ka danbaynayaa bil hadaan shir weynahu wax ka badalin.gudidanina waa midka imanaysa gobalada dalka oo dhan ergooyinkuna gobalada oo dhan ayay ka imanaysaa,shirkuna waa mid weyn oo aad u balaadhan oo aan tirada dadka ka soo qaybgalayaa hore uga dhicin Somaliland waxaanay la mid noqonayaan shir weynayaashaas ay dunida horumartay xisbiyadoodub qabtaan oo ergadu ilaa kun qof ayay gaadhaysaa.Waa shir wax lagu dooranaayo ee barnaamij lagu ansaxinaayo ee xeer wax lagaga badalaayo waa shirweyn oo shir ay hawshiisu yartahay maaha.”

Jaamac Shabeel oo beeninaayay in xil loo magacaabayo waxa uu yidhi“Maalinbuu midi ila soo hadlay oo uu yidhi mabruuk sow laguuma magacaabin gudoomiyaha maxkamada sare,waxaan ku idhi adigaaba sheegaya oo hadal haynteeduna igama soo baxin manaan maqlin,dhawr wiig kadib midbaa hadana ila soo hadlay oo igu yidhi markaad xilka qabtao waxaan doonayaa sidaas iyo sidaas,anigaaba yaabay oo is idhi tolow ma adigaan war hayn oo waxbaa jira,tan xeer ilaaliyaha guudna tiibay la mid tahay  oo xil aan anigu doortay oo aan idhi halay siiyo ma jiro,xilkana sidiisaba lama daba ordo oo hadaad tidhaahdo xilkaas isiiya aakhiro qaadiba kari maysid, laakiin hadii lagula soo doonto allahayoow iyaga ayaa ila soo doontay intii aan kari karaayayna waan qabtay ayaad odhanaysaa,sheekadaasi hab yaraatee mid ay wax ka jiraan maaha xeer ilaaliye aan doortayna ma jiro,labada meelood Hargeysa ayuunbaa ii magacawday, Siilaanyana iimuu magacaabin markaas Hargeysa iyo Siilaanyo ayaynu eegaynaa kay tiisu socoto.”

Comments are closed.