Cali Warancade Oo Lagu Bogaadiyay Xafiiskii Basaborka Somaliya Ee Uu Xidhay

1
524

Picture4Hargeysa(Geeska)-Bulshada caasimadda Hargeysa, ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aanka uu Wasiirka arrimaha gudaha Md. Cali Maxamed Warancade ku xidhay xafiis Hargeysa ku yaala oo soo saara Basaborka dawladda Somaliya, kaas oo xad gudub ku ahaa bulshada iyo qaranimada Somaliland.

Xafiiskaas oo si qarsoodi ah Basaborada loogu samayn jiray, waxa toddobaadkan lagu xidhay amar ka soo baxay Wasiir Warancade.

“Waa go’aan wadaniyadeed, waanan ku bogaadinayaa wasiirka arrimaha gudaha.” Sidaas waxa Faysal Xuseen Maxamed yidhi mid ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa.

Aamina Faarax, ayaa iyaduna tidhi, “Marka horeba waxay ahayd wax lala yaabo in Basabor dal kale lagu bixiyo caasimadii wadankeena. Sidaas daraadeed, warka ka soo yeedhay Cali Warancade, waa war lagu farxo oo bogaadin mudan.”

Ka sakow, aaraahda dadkan kooban oo aanu tusaale u soo qaadanay, waxa kale oo uu go’aankani hadal iyo hayn iyo sheeko ka dhex abuuray bulsho badan oo aan ka warqabin xafiiskan, kuwaas oo la yaabay sababta ay xukuumadu markii horeba u ogolaaday. Si kastaba ha ahaate, go’aankani wuxuu noqday mid ka farxiyay bulshada wadaniyiinta ah ee dalkooda ilaashada, waxaanay wasiirka ka codsadeen inuu la socdo sidii aan mar labaad xafiiskaas si tuugo ah looga fureen wadanka. Waxa kale oo ay wasiirka ugu baaqeen in sharciga la horkeeno dadkii gacanta ku hayay samaynta dhukumentigaas mamnuuca ka ah Somaliland.

Comments are closed.