Ahmed Silanyo oo hore u cadeeyay in aanu SNM ku biiri doonin kuna sheegay inay tahay reer, inay runtii ahayd na laga yaabo, ayay hada na SNM noqotay ciddii ugu horeysay ee fursad iyo fursad kale ba u siisay inu hogaamiyo markii ugu horeysay sanadkii 1984kii markii isaga iyo Saaxiibkii AHN Ibrahim Maygaag ay ka soo qayb galeen Shirwaynihii 4aad ee SNM oo lagu qabtay Jigjiga waxa ay ahayd na in muddo laba sanadood ah uu hogaamiyo SNM oo ahaa run ahaan mucaaridka keliya ee hubaysnaa xiligaa ee dagaal kala soo horjeeday taliskii Siyaad Bare. SSDF oo ahaa mucaarid ka dhashay afgambigii dhicisoobay 1978kii. Lakiin SSDF oo hub iyo lacag ba uu Qadaafi si hagar la'aan ah ula daba joogay geedkaa way gaadhi kari wayday makii weerarkii Balan Balle iyo Gsldogob ay gidaarka birta ah ka soo go'day na halkay badhi jiglaha ugu dhacday dib uga may soo kicin.
Axmed Silanyo sidu fursada hore 1984kii lama fahmi karo hadii marka hore aynaan wax yar dib ugu noqon xaaladii ururka SNM intii u dhaxaysay labada Shirwayne ee 3aad iyo 4aad oo ahayd muddo sanad ah. Shirwaynaha 3aad oo qabsoomay badhtamihii 1983 waxa aanu ahaa mid ka duwaan labadii Shirwayne ee ka horeeyay. Ururka SNM wuxu markii ugu horeysay yeeshay Xeer uu ku dhaqmo ama dastuur qeexaya arimo dhawr ah sida, mabaadiida guud ee ururka, qaab dhismeedkiisa, waajibaadka iyo awoodaha iwm. Markii ugu horeysay ayuu ururku yeeshay Gole dhexe oo uga dhigan Sharci Dejin, wakiil na ka ah Shirwaynaha, oo ah haya'adda ugu saraysa ururka, inta u dhexaysa laba Shirwayne.
Shirwaynaha 3aad hogaanka ugu sareeya xisbiga oo ah gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen muu bedelin ee wuxu dib ugu doortay AHN labadooda ba Yussuf Ali Sh. Madar iyo Mohamed Aden Wadaadiid, taas oo si gaar ah uga cadhaysiisay kooxda Calan casta loo iqiin "Calan Cas" oo wakhtigaa ahayd kooxda ugu abaabulan arigti ahaana u jenjeedhay bidix, in kasta oo waayadii dambe Calan Cas ay noqotay koox aan ka tarjumaynin aragti gaar ah balse mucaaridnimo ku sifoobay.
Gudoomiye nimadii Sh. Yussuf iyo ku xigeen-nimadii Wadaad-diid midi na sii may riiq dheeraan Calan Cas na sidii kumay hadhin ee bishii November 1983 oo ah afar bilood oo keliya ka dib markii uu xidhmay Shirwaynihii 3aad ay magaalada jigjiga waxa lagu qabtay wax loo bixiyay " mini-congress" oo sharci ahaan aan meelna kaga jirin Xeerkii ama dastuurkii ururka ee lagu ansixiyay Shirwaynaha. In kasta oo dastuurka SNM uu si cad u qeexayay in dhamaan xeerarka iyo go' aamada kale ee ururka ee ka hor yimaada dastuurku ay waxba kama jiraan yihiin hadana go'aamadii shirkaa ka soo baxay waxay daaqadda ka tuureen gebi ahaan ba dastuurkii SNM gaar ahaan qaybihii ku abaarnaa qaab dhismeedka ururka iyo waajibaadka iyo awoodaha haya'dsha iyo xilalka kala duwan. Waxa gebi ahaan ba meesha ka baxay gudoomiyihii iyo ku Xigeenkii lagu doortay Shieaynaha bedelkoodii na waxa soo galay gudoomiye iyo Xoghaye Guud oo lagu doortay waxa loogu yeedhay mini congress. Waxa kale oo meesha ka xubnihii kale ee gudida fulinta marka laga reebo AHN eh Maxamed Xaashi( Lixle) oo ahaa xoghayaha Ciidanka Xoraynta oo ka hor intii aanu furmin Shirwaynihii 3aad ay saraakiisha milatariga ahi ay ku soo doorteen Xarshin. AHN gudoomiyaha cusub ee SNM waxa noqday AHN C/qaadir Koosaar halka Xasan Ciise Jaamac na uu noqday Xoghayaha Guud.
Si kasta ba xaalku ha ahaado eh kooxdii Calan Cas oo markii hore u arkay say is bedelka cusub guul iyaga u soo hoyatay hadana sidii ay moodayeen may noqon. Guusha ay tirsan karayeen ee keli ah waxay ahayd in meesha uu ka baxo hogaankii Wadaadadu balse waxay ku qaldameen Gudoomiyihii cusbaa C. koosaar oo markii hore ay tirsanayeen lakiin aan noqon sidii ay moodayeen, sidaa daraadeed na ay weerarkii ugu cuslaa ku qaadeen sedex bilood oo keliya markii uu xilka hayay ilaa ay dhulka soo dhigeen na aan ka hadhin. Dagaalkii Gudoomiyaha iyo mucaaridka ay hormoodka ka ahaayeen kooxda CalanCastu wuxu ku fiday Golihii Dhexe ee ururka waxa aanu bilaabay inu hoos u sii daadego oo gaadho talisyada iyo jiidaha hore ee colalka taas oo keentay in shir ay isugu yimaadaan masuuliyiinta colalka jiidaha hore kaas oo ka dhacay Kaam Abokor bilawgii sanadkii 1984kii kuna doorteen " Gudida Dagaal-gelinta" oo gudoomiye C. Koosaar na aqbalay isaga laftiisu na ansixiyay oo uu saxeexay magacaabista xubnaha gudida.
Markii la isugu yimi Shirwaynihii 4aad ee Jigjiga waxay ahayd mar kaadarkii aqoon yahan ka ee SNM kooxduu doono ama reerkuu doono ha noqdo eh cunaha la isku dhegan yahay oo aanu ku jirin mid keliya oo la isla ogolaan karo in loo doorto hogaanka ugu sareeya ee ururka. Taas ayaa fursad u noqotay Axmed Silanyo waayo, sidii caadada u ahayd, waxa qasab noqotay in la helo qof cusub mar hadii intii wada joogtay ee hormoodka u ahayd SNM aanu midna kan kale u ogolayn inu noqdo gudoomiye.
Mar hadii aan intii wada joogtay isu ogolayn in dhexdooda wax isu ogolaadaan ama xataa ka tartamaan in Axmed Silanyo cagaha la qabsado dan baa tidhi. Axmed Silanyo, ninka Jigjiga noogu yimi ma ahayn nin dagaal u soo diyaar garoobay iyo SNM in uu ka mid noqdo toona waayo SNM oo reer ihi wuxu qabay in aanay meel gaadhi karin, nolosha adag ee jabhadnimada iyo in hawd iyo qarfo uu ku noolado na muu rabin. Wax la baryo oo la xodxoto ba ugu dambaystii wuu aqbalay lakiin laba shuruudood oo adadag auu ku xidhay. Waa mid eh in reer Sh. Isaxaaq u dhan yahay oo aan cid diidani jirin, marka labaad na in aan cid la tartamaysaa jirin ee keligii looga hadho.
Isku raacidu may sii adkaan waxa ka adkayd in la wada aqbali karo cidi lama tartami karto. Labada shakhsi ee ugu adkaa in la yidhaa ha la tartami na waxay noqdeen Yusuf Cali Sh Madar iyo Xassan Aden Wadaadiid oo isu ahaa gudoomiye iyo ku xigeen, markii ugu horeysay na lagu wada doortay Shirwaynihii 2aad oo lagu qabtay Nasaret, Itoobiya hadan mar labaad sanad ka dib lagu wada doortay Shirwaynihii 3aad oo lagu qabtay Herer 1983kii, hase ahaato eh si sharci daro ah loogu bedelay Jigjiga bishii November isla sanad kaasi, oo iyagu dagaalka na u soo diyaar garoobay aaminsanaa na in Isaaq ku qasban yahay wax na iska celin karo oo guul beegsan karo.
Si loo buuxiyo shuruudihii Axmed Silanyo waa in labada mujaahid la qanciyo dabeed xaalki wuxu noqday ninba waa ku ninkiisa. Colkii sheekh yussuf qaabilay kumay adkaan ee Alleh wuu u sahlay, lakiin Xassan Aden si fudud umuu aqbalin inu silanyo keligii looga daayo saaxadda. Muddo ayaa la is jafayay ilaa ugu dambaystii uu ogolaaday, lakiin uu shuruud ka dhigay in aan cid reerkiisa, Habar Yonis ihi u codayn Axmed Silanyo oo keligii saaxaddda looga hadhay. Halkaa marka ay marayso ayaa intii kale oo ergadii kale oo dhami u tegtay ergadii HY oy yidhaahdeen waar intayada kale ayaa ku filan oo ilayn ninka cidi ba lama tartamayso eh idinku waxba gacanta ha taagina. Waayahay baa la yidhi lakiin Maxamed Xaashi( Lixle) isagu wuu diiday waanu u codeeyay Silanyo halka Maxamed Xaashi Cilmi na uu noqday codka keliya ee diiday. Sidaa ayuu Silanyo ugu dambaystii ururka SNM ku noqday loo na doortay inu noqdo hogaamiyihiisa.