“Wadamada Afrika Waxaanu Uga Baahanahay Iskaashi, Ictiraaf Iyo Caawimo”

0
3524

 

dibadaHargeysa(Geeska)-Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa wadamada Afrika ugu baaqay inay wax wada qabsi iyo iskaashi la yeelato Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Maxamed, oo toddobaadkan Hargeysa ugu waramay wakaaladda wararka ee Bloomberg, wuxuu sheegay inay Somaliland Afrika uga baahantahay iskaashi,  “Taageero badan ayaanu uga baahanahay dalalka Afrika.” Ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaanu wadamada Afrika uga baahanahay ictiraaf, iskaashi iyo caawimo.”

Wasiirku, wuxuu ka hadlay saamaynta ay Somaliland ku yeelatay budhcad badeedu, waxaanu sheegay in quutal daruurigii qaali garoobay, bulshada caalamkana wuxuu ugu baaqay inay wada hadal iyo xidhiidh joogto ah ka yeeshaan sidii arrimahaas xal loogu heli lahaa, “Maraakiib badan oo Berbera ku soo socotay ayaa istaagtay, sababtuna waa cabsida in budhcad badeedu weerarto.” Ayuu yidhi wasiirku, laakiin Somaliland badaheeda kama dhacaan falal budhcad badeed.