Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Ka Yaabiyay Intii Uu Xilka Hayay Iyo Wax Qabadkiisa

0
930

 

 

macdantaHargeysa(Geeska)-Wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ka hadlay wax qabadkiisa mudadii uu xilka hayay iyo qorshayaashiisa wax qabad ee mustaqbalka dhow iyo kan fog.

Wasiir Ducaale, wuxuu ka mid yahay xubnaha aqoonyahanka ah ee ku jira xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaanu muddo dheer shaqooyin sare ka hayay shirkad caalami ah oo uu fadhigeedu yahay dalka Maraykanka. Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wasiirka macdanta iyo biyaha la yeeshay waraysi uu sidoo kale kaga hadlay waxyaabaha ugu yaabka badan mudadii uu dalka joogay, maadaama oo uu soddon sannadood ku maqnaa qurbaha.  Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:

Wasiir warbixin naga sii wasaaradaada iyo waxyaabaha kuu qabsoomay mudadii aad xilka haysay?

Wasaaradani waa wasaarad aad u baaxad wayn oo waaxyo badan ka kooban, horta wakhti  badan waxa aan ku qaadanay dib u habayntii shaqaalaha oo runtii aanu dawladaba kala mid ahayn walina ay taagantahay habaynteedii, shaqaalaha hawshoodu waxa ay ahayd mid culus wakhti badana way qaadatay sidii loo hufi lahaa ee loo habayn lahaa. Waxa kale oo aanu aad ugu hawlanayn wasaarada in loo helo mashaariic wax lagu fuliyo  oo aanu raadino, waayo waxaan ognahay inagu inaan nahay dawlad sabool ah oo aan haysan miisaniyad ku filan inay wax ku fuliso, markaa runtii socdaalo badan ayaan galay oo aan ku raadinayo sidii aynu horumar xaga biyaha, macadanta,shidaalka iyo tamarta aanu u samayn lahayn,  hadday dawlado noqoto iyo haday hayado caalamiya noqotaba sidii aan wax u waydiisan lahayn, markaa dhoofitaan badan ayaan aad u galay si aaan hawshaa wax uga qabto, runtiina midho dhal wuu jiraa oo waxyaabo badan ayaanu rajanaynaa inay noo qab soomaan laakiin majiraan wax hadana  aan odhankaro waxbaa ka samaysmay, marka laga reebo imaaraadka socdaalo aaanu ku marnay mashaariic xaga biyaha ahna ay wax nooga ogalaaday oo aanu idiinka warami doono marka ay soo laabtaan, waxa jira haayado caalamiya oo nala shaqeeya oo aanu ka wada hadalnay Ceelal, dhaamam iyo harooyin runtiina wax waanu wada gaadhnay, lakiin m ajiraan wali wax bilaabmay.

Runtii waxa ubadan ee aan ka war-waraa waxa weeyaan sidii biyo loogu heli lahaa dadka xoolo raacatada ah ee ay biyahu ka go’ayaan wakhtiga abaaraha, haddii aanu roobka uun sugno oo hadana biyaha roobkuna ay ina dhaafaan inagoo aan waxba aynaan ka qabsan waa mushkilad, markaa arimaha aanu ahmiyada ugu badan siino waxa weeyaan roobkaa illaahay inoo shubay inaan wax ka qabsano, waxa jira imika dhawr iyo toban haro oo hawdkaa ku taxan oo aan filayo inaan dhawr iyo toban sano waxba laga qaban oo u baahan oo kaliya in la hagaajiyo, haayad sagaalkaa bilood wax nagala qabata waanu raadinay walina waxba kama suuroobin, kama quusanayno oo ma qancaynee laakiin dhibta ina hortaagan waxa ay tahay maadaama oo aynaan haysan dhaqaale aan ku filino waa baryo tag uun. Dhibta u badan wax ay haysataa dadka hawdka oo u badan xoolo dhaqato oo aan ceelal biyoodna laga gaadhi Karin, waayo intay biyahu soo jiraan baa aad u hosaysa, aadna way u yaryihiin, waana qadhaadh, waxaana gaadhi gaadhi saar lagaga baxi-karaa uun in harooyin loo sameeyo, harooyinkuna ciyaar ciyaar maaha oo waxa ku baxaaya midiiba 300,000 ilaa 400,000 oo doolar.

Wasiirk waxa jirtay digreeto uu madaxwaynuhu soo saaray, taasi oo lagu hoos keenaayay wakaaladaha biyaha ee Gobalada wasaaradan macdanta iyo biyaha, marka laga reebo wakaalda biyaha ee Hargaysa, halkeebay hawlahaasi cago dhigteen?

Marka uu madaxwaynuhu soo saaray digreetadaas waxa jiray wakaalado biyood oo magaalooyin dhawra ah oo ay cabshooyin badani ay ka yimaadeen maamulkooda maxaliga ah, markaas waxa ay ahayd uun maadaama oo ay dawladii hoose ama maamulka laga soo ashkatooday inaan tayayno uun, dastuurkeenuna waxa uu muujinayaa in haddii matalan ay bulsho adeegeeda ay dawladaa hoose ama maamulaadka hoose ay hanan kari waayaan inay dawlada dhexe masuul ka tahay inay shaqadaasi la soo wareegto oo ay bulshada u adeegto. Nagama ay  ahayn in aanu la waeegno ee waxa ay ahayd uun wax madaxwaynaha ugu muuqday in la tayeeyo, mustaqbaliyana haddii la xoojiyo dawladaa hoose oo ay awoodaa hanan karaana wax ka maanicaya inay dib ula soo noqan karaan majirto.waxanu doonaynaa in aanu digreetadaa madaxwaynaa dhaqan galino marka sharcigan biyaha ee baarlmaanka ku jiraa uu dhamaado, oo aan yeelano sharci biyood oo haga maamulka biyaha ee dalka.

Muddo dheer ayaad  wasiir dalka dibada kaga maqnayd, hadana waad soo laabatay waxaana laguu dhiibay xil wayn, maxaa kuugu yaab badnaa ee aad dalka kula kulantay intii aad xilka haysay?

Horta wadanka waan u dhashay, inkastoo aan mudo sodan sano ah ka maqnaa hadana war wayn iguma seegnayn, waayo dalka aad baan ugu xidhnaa siyaasi ahaan iyo dhaqan ahaanba, halkaynu taaganayna waan la socday. Runtii waxa ugu yaab badnaa uun dee dhaqan kaad  soo baratay ee muddo dheer aad ku soo shaqaynaysay ee kala duwanaashaha waxa kamid ahaa in aanay dadku balanta ixtiraamayn, waxaad odhanaysaa sideeda subaxnimo ii kaalay, koob iyo tobanka ayuu soconayaa qofkii, shirbaad odhanaysaa tobanka hala qabto, qabsoomi maaye koob iyo tobanka iyo badhka ayuu qabsoomayaa, markaa waxa jira wax yaabo badan oo noocaasa oo isbadal ku keenay dhaqankii. Runtii laakiin dadkeenu waa dad wacan oo naxariis leh, oo la hagi karo.

Xisbiga Kulmiye sidaan la wada socono waxa uu ku guulaystay doorashadii u danbaysay, adna waxaad kamid tahay wasiiradii madaxwaye Axmed Siilanyo soo magacaabay, markaa waxaan ku su’aalay ma xisbigaad ka tirsanayd, mise waa lagu soo magacaabay’uun?

Walaal waxa aan ahaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Waqooyiga Maraykanka muddo dheer, halgankana waxa aan kaga jiray dhankaas, runtiina ma odhan karo arintaasaa ka danbaysay in lay magacaabo xilkaasi, madaxwaynuhuna isagaa leh awooda cida uu u magacaabayo xil, laakiin xisbiga waan kamid ahaa.

An kula kaftamo’ee shaqadaad ku haysatay wadanka Maraykanka iyo shaqadan maanta aad hayso bal is barbar dhig noogu samee?

Shaqadan aan maanta hayo iyo tii aan dalka Maraykanka ka hayay wax lays barbar’dhigo maaha xagayga, shaqo wanaagsan waan hayay, mushahar fiicana waan qaadnayay, nolol wacana waan ku noolaa, laakiin qanaca aad ku helayso inaad dalkaaga iyo qarankaaga u adeegto wax qiimo ah oo aad u dhigi kartaa majirto,  waynu ognahay oo mushaharooyin ay wasaaradu qaadanayaan oo aynu u soo baxno lacag aan ka samaynayno aan nidhi ma jirto, waxa weeye inaan anfaco dalkayga oo inta wakhti ii hadhay aan tariikh waarta aan uga’tago dalkayga, oo layidhaahdo waxaasu wasiirkaasi katagay ama qabtay, haddii maanta aan harooyinkaasi aan arinkooda wadno aan samayneeyo waa wax waaray oo ma guuraana oo aan ku qanci karo in aan dalkayga u qabtay.

Ugu danbayn wasiir haddii lagu yidhaahdo dadkaa reer Somaliland eraygii u danbeeyay ee dardaarana dheh maxaad odhan lahayd?

Dadkeenu waa dad aad uwanaagsan, oo wax maqla oo haddii aad hagto kula qaadanaya haddii ay taladu tahay mid wanaagsan. Waxuunbaan jeclaan lahaa in dadkeenu ay u jeestaan sidii ay dalkeena wax uga qaban lahaayeen, maanta waxa aynu joognaa wakhtgii aynu doonaynay inaynu horumar samayno, dagaaladii waynu soo dhaafnay, geedi socodkii dimuqraadiyada waynagan qaadnay ee uu aduunku inagu amaanayo, dawlad wanaagii waynu haysanaa, waxa aynu maanta u taaganahay waa horumar, horumarna waxa aynu ku gaadhaynaa haddii aynu guntiga dhiisha iskaga dhigno oo aynu dalkeena wax ka qabsano. Runtii waxa u wayn ee aan dadkeena kula dardaarmi lahaa waa inay isdiraan oo wakhtiga ka faa’idaystaan, waxana inaga luma wakhti faro badan oo ku luma hadal iyo maqaaxi la fadhiyo. dardaarankaygu waa gacmaha aan ka shaqaysiino oo aan iska dayno hadalka badan ee wakhtiga inaga qaaday.