Rayul Caamka Oo Soo Dhaweeyay Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibadda

0
618

Picture3Hargeysa(Geeska)-Marka si guud loo eego isku shaandhaynta iyo magacaabista uu Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay golihiisa wasiirada, waxa muuqata in rayul caamka bulshadu si isku mid ah u soo dhaweeyeen Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Md. Maxamed  Biixi Yooni.

 

Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ah sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay, wakhtigana Qaramada Midoobay u qaabilsan gobalka Darfur, marka si guud loo eegana wuxuu u muuqdaa nin taageero ka helay siyaasiyiinta iyo bulshada iyagoo ka duulaya mudada dheer ee uu ku soo dhex jiray diblomaasiyadda iyo xidhiidhada caalamiga ah ee dunida.

Maxamed Yoonis Biixi, wuxuu noqon doonaa sarkaalka u sareeya diblomaasiyadda Somaliland oo ah dal aan dunida aqoonsi ka helin, waxaana laga doonayaa inuu dedaalkiisa isugu geeyo sidii uu bulshada caalamka uga iibin lahaa qaddiyadda Somaliland. Magacaabista masuulkani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay xurguf diblomaasiyadeed ka dhex jirto Somaliland oo uu Wasiirka khaarajiga u noqday iyo Qaramada Midoobay oo uu sarkaal sare ka ahaa, waana qodobka ugu horeeya ee la eegayo sida uu u furdaamiyo.

Si kastaba ha ahaate Maxamed Yoonis Biixi, wuxuu xilka la wareegayaa iyadoo ay siyaasiyiinta mucaaradka ahi si weyn u dhaliilaan siyaasadda dibadda ee Madaxweyne Siilaanyo, waxaana xil wareejintiisa ka dib la arki doona qorshayaasha uu la yimaado iyo sida uu u waajaho caqabadaha ka soo horeeyay.