“Somaliland Waa Gobal Xasiloon Oo Door Muhiim Ah Ka Ciyaari Karta Colaadaha”

0
3778

 

11

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee dalka Holland Ben Knapen oo dhawaan Somaliland ku yimi socdaal ayaa ka war bixiyey waxyaabihi uu Somaliland ku soo arkay intii uu joogay.

Wasiirka oo u waramaayey shabakada wararka ee Allafrica ayaa sheegay inay Somaliland door muhiim ah ka qaadan karto xasilooni darada ka aloosan gobalka geeska Afrika, gaar ahaana sida uu sheegay dalka la jaarka ah ee Soomaaliya, isla markaana dawlada Netherland ay taageero dhanka kor u qaadida tayada baarlamaanka ah siin doonto dawlada Somaliland.

Wasiirka oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi “Somaliland waa gobol xasiloon, oo door muhiim ah ka qaadan kara daganaansho la’aanta, gaar ahaana dagaalka ka socda Soomaaliya. “ ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu intaas raaciyay inay dawladda Holland Somaliland ka dhistay aqalka guurtida oo uu dhagax dhigay dhismihiisa markii uu Hargeysa yimid. Laba xabsi ayuu iyagana sheegay inay dhismahooda gacan ka gaysteen iyo weliba xagga garsoorka oo ay gacan ka gaysan doonaan.

Wasiirku, wuxuu sheegay inay Somaliland tahay meel xasiloon oo uu nidaam dawladeed ka jirto. “Weeraro budhcad badeed kama dhacaan xeebaha Somaliland. “Waxa muhiim ah in la damaanad qaado inaanay degenaansho la’aanta iyo budhcad badeeda gobalka la jaarka ah ee Somaliya ku soo faafin Somaliland.” Ayuu yidhi Wasiirkaasi.