Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Natiijada Ay Guddiga Tallo Bixintu Madaxweynaha U Gudbiyen Iyo Saamaynta Xisbiyada

0
886

Ciro

Hargeysa (Geeska)-Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan go’aanka guddiga talo bixinta ee ah in ururo siyaasadeed la furo iyo saamaynta ay xisbiga UCID ku yeelan doonto haddii la furo ururada siyaasada.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa guddoomiye Cirro  waydiiyey gudoomiye ahaan sida uu arko go’aankaas iyo saamaynta ay xisbigooda ku yeelan doonta. Waxaanu sheegay in uu shakhsiyan soo dhawaynaayo in ururo la furo, waxaanu yidhi “Waxaan u arkaa in la raacaayo rabitaanka shacbiga, waanan soo dhawaynayaa.” Ayuu si kooban u yidhi guddoomiyuhu.

Gudoomiyaha oo la weydiiyay saamaynta ay xibiga UCID ee uu ka tirsan yahay ku yeelan karto ururada cusub ee la furayaa,  ayaa yidhi mar kale “ Waxa laga yaabaa inuu xisbiyada oo dhan ku yeesho tallo ururinta ay guddigu soo gudbiyeen.”