Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Xilal Cusub Magacaabay

38
810

fayHargeysa(Geeska)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah UCID Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa xilal cusub u magacaabay xubno ka tirsan xisbiga UCID,sida uu ku sheegay war saxaafadeed uu ka soo saaray xafiiskiisa,waxaanu war saxaafadeedkaas oo dhamays tiran u dhignaa sida.

 

“Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la magacaabo Xoghayayaasha Banaan ee Xisbiga UCID,   markuu la tashaday Guddida Fullinta, markuu la tashaday Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Gudoomiyuhu isaga oo raacaya Qod 22aad Markuu ku qancay kartida iyo wax-qabadka ay leeyihiin waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 04/11/2013 uu magacaabay Xubnahan hoos ku qoran.

Eng. Maxamed Mahdi Maxamuud (Buubaa) Xoghayaha Maamulka & Qorshaynta ee Xisbiga UCID.Maxamuud Cali Madoobe (Jiir) Xoghayaha Dhalinyarada & Ciyaaraha ee Xisbiga UCID.Cabdiraxmaan Axmed Cali Xoghayaha Arimaha Bulshada ee Xisbiga UCID.Ismaaciil Axmed Ismaaciil.Gudoomiyaha Abaabulka & Wacyegelinta ee Gobolka M/Jeex ee Xisbiga UCID.”

Comments are closed.