“Sanduuqayga Face Book-a Waa Iga Jabsaday, Waxa Lagu Qorana Masuul Kama Ihi”

0
4002

Picture2Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdilaahi (Dogox), oo ka mid ah mudanayasha golaha deegaanka ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa raali-galin ka bixiyay aflagaado boggiisa Facebook loo mariyey masuuliyiin door ah oo xilal ka haya qaranka Somaliland.

Xildhibaan Saleebaan Dogox, ayaa sheegay in bogga Akownka uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka bulshada ee Facebook la jabsaday isla-markaana aanu masuul ka ahayn wixii dambe ee lagu baahiyo ama aflagaadooyinka masuuliyiinta loo mariyo.

Xildhibaan Dogox, oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa yidhi “Facebook-gaygii waala jabsaday, wixii lagu qorana annigu masuul kama ihi”

Xildhibaanku wuxuu raaligalin hawada u mariyey masuuliyiin ay ku aflagaadeeyeen dad isaga iska dhigaya “Masuuliyiinta lagu aflagaadeeyayna waan raaligalinayaa”ayuu yidhi xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdilaahi (Dogox).