Dawladda Maraykanka Oo Shaqadii Joojisay Iyo Obama Oo Shaqaalaha La Hadlay

4
503

Picture3Waxa shalay albaabada loo xidhay hawlihii dawlada Maraykanka kadib markii Golayaasha Baarlamaanka Maraykanka ee Congreska iyo Senateka ku heshiin waayeen Miisaaniyada cusub ee xukuumada Maraykanka.

Golaha ay ku badan yihiin Xisbiga mucaaridka ah ee Jamhuuriga ee Congreska ayaa diiday inuu ansixiyo miisaaniyada cusub, waxayna sidoo kale ka horyimaadeen sharciga cusub ee Caafimaadka ee loo yaqaan Obama Care.

Go’aankaasi oo loo gudbiyey Golaha Senatorada (Odayaasha) oo ay ku badan yihiin Xisbiga Dimuquraadiga ayaa iyaguna qaadacay go’aanka kasoo baxay Golaha Congreska.

Xildhibaanada Xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku eedeeyey xisbiga Jamhuuriga inuu muddo dheer soo qorsheenayey inay xukuumada lugaha jaraan oo hakad la geliyo dhamaan hawlaha dowlada, iyagoo ka cadheysan guuldaradii hore uga soo gaadhay doorashooyinkii ay ku guuleysteen xisbiga Dimuquraadiga.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Jamhuuriga ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inay u adeegsanayaan carqaladeynta xukuumada ololahooda doorashada soo socota 2016.

Madaxweynaha Maraykanka Obama ayaa warbaahinta kala hadlay Shaqaalaha Dowlada Maraykanka isagoo ka warbixiyey hakadka ay gashay dowlada Maraykanka.

Shaqaale ku dhaw 800 kun oo u shaqeeya Dowlada Maraykanka ayaa shalay guryahooda joogaya iyagoo aan helayn wax mushahar ah, balse waxaa iyagu hawshooda sii wadi doona shaqaalaha dowlada ee ka shaqeeya goobaha xasaasiga ah sida Amaanka iyo Militariga.

Madaxweynaha Maraykanka Obama oo si gaar ah Militariga Maraykanka ula hadlay ayaa ku eedeeyey Golaha Congresska inay caqabad ku noqdeen hawlihii dowlada, isagoo isla markaana sheegay in ay ka shaqeenayaan sidii ay u heli lahaayeen dhaqaalaha iyo qalabka ay u baahan yihiin ciidamada Maraykanka ee hawlgalada ka wada sida dalka Afghaanistaan.

Waxaa sidoo kale maanta iridaha la isugu dhufanayaan dhamaan Xarumaha Waaweyn ee dalxiiska loo tago oo kamid ah goobaha dakhliga badan kasoo galo dowlada, maadaama la xirayo dhamaan khasnadaha dowlada illaa laga helayo miisaaniyada cusub, arrintan oo la filayo inay dhaawac u geysato ganacsiga iyo dhaqaalaha guud ee dalka Maraykanka.

Comments are closed.