Taliyaha Booliska Sool Oo Ka Hadlay Weriyayaal La Xidhay Iyo Banaynta Jidadka Degmada Laascaanood

0
559

Picture1Laascaanood (Geeska) – Maamulka Dawladda hoose ee Magaalada Laascaanood, ayaa xidhay laba Wariye oo ka mid ah saxaafadda Gobolka Sool.

Laba Wariye oo kala ah Aaden Maxamed Jaamac (Aaden Karaama) oo wakiilka Universal Tv ee Magaalada Laascaanood iyo Wariye Shaqale oo ka mid ah wariyayaasha bogaha Internet-ka, ayaa la xidhay ka dib markii uu soo eedeeyay Xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ee Magaalada Laascaanood, kaasi oo ku eedeeyay inay si shakhsi ah wax uga baahiyeen.

Taliyaha qaybta booliska Gobolka Sool Maxamuud Guutaale, oo xalay Geeska Afrika ugu waramay khadka Telefoonka, isaga ku sugan Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in labada Wariye la xidhay, balse midkood la siidaayay shalay galinkii hore.

Taliyaha oo la waydiiyey sababta ay u xidheen Wariyayaasha ayaa ku jawaabay “Warar aan hagaagsanayn ayay ka qoreen dawladda hoose” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inuu siidaayay galinkii hore, balse Makhribkii shalay dib loo xidhay “Anniga ayaa ku idhi faraha ka qaada, laakiin Makhribkii ayaa loo yeedhay midkood”

Taliyuhu wuxuu sheegay in xadhiga wariyayaashani ka dhashay muran dhex maray xoghayaha dawladda hoose oo uu sheegay inuu ka soo cawday “Xoghayaha ayay wada hadleen ka la xidhay, laakiin ka kale ee la xidhayna wariyaha la xidhay ayuu u doodayey oo dambi ayuu saldhiga ku dhex galay”

Wariyayaal ku sugan Magaalada Laascaanood, ayaa Wargeyska Madaxa-banaan ee Geeska Afrika u sheegay in wariyayaashan loo xidhay wareysiyo ay ka qaadeen dad ka cawday hawlgallo dawladda hoose ee Laascaanood ay maalmihii u dambeeyay ku banaynaysay wadooyin ku yaala Magaalada Laascaanood.

Wariyayaasha ayaa sheegay Maamulka Gobolka Sool, siiba dawladda hoose ee ay gabood falo ku hayso, inkasta oo su’aashaasi oo aanu waydiinay Taliyaha Qaybta booliska Gobolka Sool uu kaga jawaabay “Laguma gefo, saxaafaddu waanu ilaaliyaa”ayuu yidhi Taliye Maxamuud Guutaale.

Dhanka kale, Taliyaha oo la waydiiyey jiritaanka dad ganacsato ah oo la xidh-xidhay Maalmihii wadooyinka la banaynayey, ayaa sheegay in aanay jirin cid la xidhay, balse uu isagu markii hore hawlgalkaasi u arkayey culays, inkasta oo markii dambe ay si wanaagsan u dhamaatay “Annigu culays ayaan u arkayey oo dawladda hoose dib inoogu dhiga ayaan ku idhi, laakiin hawshaasi dadkaa noo fududeeyay, wadooyinkiina waala baneeyay”ayuu yidhi.